Hal dhinac oo laga ODOROSI karo inuu Shirka Dhuusamareeb dhuroobayo & inuu dheel dheel yahay!

0

(Dhuusamareeb) 20 Luulyo 2020 – Shirka Dhuusamareeb oo markii ay hadalhayntiisa iyo qaban qaabadiisu bilaabatay iminka laga joogo muddo 20 maalmood ka badan ayaa waxaa ugu dambeyn saaka markii ugu horreeysey iyaga oo isu dhan is hor fadhiya Madaxda DF iyo Maamullada.

Waxaa la hadal hayaa inay yeelanayaan kulan hordhac ah oo ay iskula eegayaan ajendayaasha la doonayo in laga hadlo shir kale oo rasmi ah oo berri oo Talaado ah qabsoomaya.

Waxaa kale oo soo baxaya warar kale oo sheegaya inay dhici karto in shirkan lagu dhamayn waayo khilaafka, balse la muddeeyo madal kale oo noqonaysa mid ka mid ah Muqdisho, Baydhaba ama Garoowe, taasoo kaliya iska noqonaysa in lagu tartamo qabashada shirka iyada oo aan la eegin ujeedka wayn ee loo qabanayo oo ah in xal lagu gaaro.

Yeelkeede, shacabka oo aad uga dhur sugaya shirkan ayaa madadaalo iyo waqti dhamays aysan xilkasnimo badani la socon u arkaya haddii shirkan markale lagu madlo meel kale, maadaama uu yar yahay waqtiga la heli karo, isla markaana aysan jirin wax hor taagan in madashan hadda la fadhiyo wax kasta lagu dhameeyo, haddii uu shirku xal doon yahay, maadaama waxa la isku khilaafsan yahay ee ah nooca doorasho ay ka mudan tahay danta guud, sidaa darteed, aan loo baahnayn inuu qofna kaligii meel isku dhejiyo, maadaama aysan arrintu ahayn mid uu isagu shakhsiyan u leeyahay.

”Inuu shirkani horusocod yahay iyo inuu shimbiro hees laga dhowrayo yahay waxaa kala caddayn doona waxa kasoo baxa.” ayuu yiri Cali Cabdisalaam oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed oo la hadlay Hadalsame Media.

Dhanka kale, beesha caalamka oo lacag badan ku bixisay dowlad dhisidda Somalia ayaa lafteedu saluugsan khilaafaadka markasta ka dhex jira madaxda Soomaalida oo aan inta badan xeerin danaha dalka iyo dadka, balse guntimo shakhsi ah iyo dano gaar ah cayrsada.

Si kastaba, waxaa isha lagu hayaa shirkan oo ay madaxda fadhida khasab ku tahay inay muujiyaan bisayl u qalma shacabka dhibaataysan ee Soomaaliyeed oo ku goblamay siyaasad geela Somalia ee ay laftoodu kala taageeriddeeda ku guri seegeen.

Tifaftirka

Hadalsame Media