Dhibaatada ku sugan arrin ay caadaysteen dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed!

0

(Hadalsame) 20 Luulyo 2020 – Ibraahiim ibnul Adham oo ahaa caalim reer Afgaanistaan ah ayaa waxaa nin ku yiri “Ma aaminsani in ay jiraan wax barako la dhaho, ee iga dhaadhici haddii ay sax tahay? Ibraahiim Adham ayaa wuxuu ninkii ku yiri “Aan kuu tusaaleeyee, ma taqaanaa ari iyo eeyo? Ninkii wuxuu yiri “Haa, labadaba waan garanayaa”

Ibraahiim: ariga iyo eeyaha yaa dhalmo badan?
Ninkii: Eeyaha ayaa dhalmo badan, waayo halkii mar eeygu wuxuu dhalaa ilaa todobo cunug, balse arigu markiiba wuxuu dhalaa hal, labo iyo ugu badnaan saddex.

Ibraahiim: ariga iyo eeyaha kee la cunaa oo loo qalaa martida, xafladaha iyo munaasabadaha?
Ninkii: ariga ayay mar kaste dadku qashaan.
Ibraahiim: Markii aad magaalada dhex socoto, yaa badan ariga iyo eeyaha aad ku dhex aragto?
Ninkii: Waxaa magaalada ku badan ariga.

Ibraahiim: Barakada ayaa sababtay in iyadoo uu arigu ka dhalmo yar yahay eeyaha, maalin kastana la gawraco, uu ariga aad magaalada ku dhex aragto ka bato eeyaha ay ishaadu qabato, iyadoo ay eeyuhu ka dhalmo badan yihiin ariga.

Ninkii: Waan fahmay, ee maxaa arigu barakada ku mudeystay, oo ay eeyuhuna ku waayeen?
Ibraahiim: Arigu wuxuu seexdaa fiid hore, waxa uuna soo kacaa salaadda subax, waqtigaas oo ay barakada iyo naxariista Alle soo degayaan. Balse eeyuhu way dhafraan, wayna qeyliyaan habeenkii oo dhan, waxayna hurdaan markii ay salaadda subax soo dhowdahay, sidaas ayayna eeyuhu ku seegaan barakada iyo naxariista Alle.

Aroortu waa goor barakeysan, oo uu Nabigu u duceeyay. Nabi Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaadaanee wuxuu yiri “Allow umaddeyda u barakeey kallahaadda”

Dhafarka aan miradhalka ahayn wuxuu barakada ka qaadaa waqtiga, wuxuuna sababi karaa in ay qofka dhaafto salaadda subax oo uu waqtiga barakadu sidaas ku seego. Intaas waxaa sii dheer dhibaatooyinka caafimaad ee ka dhalan kara dhafarka, ee ay dhaqaatiirtu ka digaan had iyo jeer. Arooryo suubban saaxiib.

Waxaa Diyaariyey: Xuseen Sabriye

Hadalsame Media