DHEGEYSO: Soomaali safarkii jeclaatay kaddib markii la hakiyey duullimaadyadii caalamiga ahaa!!

0

(Stockholm) 20 Luulyo 2020 – Caabuq-sidaha Covid-19 oo horraantii sanadkan kasoo if baxay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha, marka ugu yaraan la eego goorta uu caalamku ka war helay, kaasoo kaddib dundiii ku faafay iminkana fara ba’an ku haya dalal badan oo dunida ku firirsan.

Cudurkan ayaa keenay in la xannibo isu socodkii dunida, gaar ahaan dhanka dadka iyadoo la xirey duullimaadyadii caalamiga ahaa ee isku xirayey shucuubta ku kala dhaqan qaaradaha kala fog ee caalamka, waloow iminka qaarkood dib loo furay.

Haddaba, weligaa ma dareentay safar-tabyo? Waxaan kelmaddaa u adeegsanaynaa inay jiraan dad jeclaaday inay safraan oo ay safar-tabyo ku dhacday, kaddib markii xayiraadda lagusoo rogey duullimaadyada caalamiga ah, kuwaasoo aanay qaarkood xitaa safarkaba horay u jeclayn sida Cabdi Cismaan, Hibo Maxamed, Nasra Xasan, Maxamed Cumar.

Hadalsame Media