DEG DEG: Tallaal dawo u ah Covid-19 oo natiijo fiican laga gaarey (Sida uu u shaqeeyo)

0

(London) 20 Luulyo 2020 – Tallaalka coronavirus oo ay hormarisay Jaamacadda University of Oxford ayaa u muuqda mid tababaraya hannaanka daafaca jirka aadanaha.

Tijaabooyin laga qaaday 1,077 oo qofood ayaa muujinaya in markii tallaalkan lagu duray uu jirkoodu soo saaray lid-jireedyo iyo unugyo cad cad oo la dagaallami kara coronavirus, iyadoo tijaabadu sii soconayso, balse ay arrintan aad loogu farxay.

UK ayaa durba dalbaday in ka badan 100 milyan oo kuuro oo tallaalkan ah.

Sidee u shaqeeyaa? Tallaalkan oo la yiraahdo ChAdOx1 nCoV-19 ayay diyaarintiisu ku socotaa xawaare aad u sarreeya, waxaana laga sameeyey fayrus hidde-sidkiisa la macmalay oo ah midka ay daanyeerrada chimpanzees-ku ka qaadaan qabowga (koolbo aariyada).

Tallaalkan ayaa loo dhisaalay qaab uusan caabuq kale ugu gaysan qofka lagu duro, waxaana la rogey taxa barotiinkiisa oo loo ekeeysiiyey midka coronavirus-ka ee loo yaqaan “spike protein” kaasoo ah agab muhim u ah inuu fayruskanu kusoo duulo jirka insaanka.

Waxay tani ka dhigan tahay in tallaalka laftiisu uu leeyahay astaamaha coronavirus, kaasoo laakiin jirka ka caawinaya inuu af garto Covid-19 midkiisa runta ah kaddibna uu barto qaab uu ula dagaallamo.

Amaan ma yahay?

Haa, balse wuxuu leeyahay raad-reebyo (side-effects) aan halis ahayn, iyadoo 70% dadkii lagu tijaabiyey ay qandhadeen ama uu madaxu xanuunay, waxaa se la sheegay inay ku filan tahay dawada paracetamol.

Prof Sarah Gilbert, oo ka tirsan University of Oxford, UK, ayaa sheegay inay “weli howl badani u harsan tahay si loo go’aamiyo inuu tallaalkani si kama dambayn ah u dawaynayo COVID-19, balse ay rajadu haatan aad u sarreeyso.”

Hadalsame Media