Qaraxyo silsilad ah oo ay Iiraan qiran la’dahay oo dalkaasi ka dhacay (Mid maanta dhacay & dalalka lagu tuhmayo)

0

(Tehraan) 19 Luulyo 2020 – Iiraan ayaa waxaa ka dhacay dab kale oo ”shil” lagu tilmaamay, kaasoo qayb ka ah qaraxyo beryahan ka dhacayey kaabayaasheeda, wuxuuna midkani ka dhacay wershad koronto oo ku taalla gobolka dhexe ee Isfahan.

Saraakiisha maxalliga ah ayaa eedda saaray cillad dhanka qalabka ah, iyagoo sheegay inaysan cidina waxba ku noqonin.

“Waxaa qarxey marxiye duug ah oo ay lahay wershada korontada Isfahan saacaddu markii ay ahayd 5am maanta,” ayuu yiri Maareeyaha wershadda oo la hadlayey IRNA, isagoo sheegay inay wax kasta caadi kusoo celiyeen 2 saacadood kaddib, korontaduna aanay go’in.

Tan ayaa qayb ka noqonaysa qaraxyo silsilado ahaa oo beryahan ka dhacaya xarumo ciidan iyo kuwo madani ah ama meelo u dhow dalkaasi Iiraan.

Bishan, dab iyo qaraxyo ayaa ka dhacay khoor maraakiibta lagu dhiso oo ku yaalla koonfurta Tehraan, halkaasoo ay 2 qofi ku dhinteen, sidoo kale waxaa qarax ka dhacay wershadda leh tamarta nukliyeerka ee Natanz oo ku taalla bartamaha Iiraan.

Iiraan ayaa arrimahan shilal ku sheegtay, yeelkeede, ilo makhaabaraad oo sal dhigta Bariga Dhexe ayaa warqaadka New York Times, u sheegay in ay Israel “bambo xooggan” ku weerartay Natanz.

Israel iyo Maraykanka, gaar ahaan intii uu joogey Donald Trump ayaa aad u bartilmaameedsanayey barnaamijka nukliyeerka dalkaasi. Weerar danabeedkii Stuxnet Cyberattack ee 2010-kii, oo isaga kasii horreeyey ayaa sidoo kale wax laga saaray Israel iyo Maraykanka.

Hadalsame Media