Qalanjada Bollywood & gabadheeda oo isbitaal loola cararay (Maxaa xaalkooda iska bedeley?)

0

(Mumbai) 19 Luulyo 2020 – Qalanjada Hindiga ah ee Bollywood ee Aishwarya Rai Bachchan iyo gabadheeda ayaa isbitaalka loola cararay kaddib markii uu ku dhacay cudurka COVID-19, oo ah cudurka uu keeno coronavirus, sida ay saxaafadda maxalliga ih werinayso.

Sodogga Aishwarya ee Amitabh Bachchan iyo odaygeeda Abhishek Bachchan, oo iyaguna ah arbayaal waawayn oo caan ka ah masraxyada Bollywood, ayaa iyagana la dhigay isbitaalka Mumbai ee Nanavati Hospital maalmo uun yar kahor.

Qoyska reer Bachchan oo ah shakhsiyaadka ugu caansan ee uu cudurkani Hindiya ku helay ilaa hadda ayaa muujinaysa heerka uu cudurkaasi ka joogo Hindiya oo haatan diiwaan gelisey milyan kiis.

Aishwarya, 46-jir, oo horay u noqotay gabadha Miss World ee dunida ugu qurxoon iyo gabadheeda 8-jirka ah ee Aaradhya, ayaa cudurka laga helay ku dhowaad todobaad kahor, balse waxaa lagu karaantiilay gurigooda oo ku yaalla Mumbai, caasimadda Bollywood.

“Kaddib Amitabh Bachchan iyo Abhishek Bachchan, Aishwarya Rai Bachchan iyo gabahdeeda Aaradhya ayaa loo wareejiyey Nanavati Hospital,” ayuu qoray The Times of India isagoo aan faahfaahin xaaladdooda, balse kusoo koobay inay ”fiican yihiin”, waloow uu shaki cusub dhaliyey in guriga laga qaado muddo kaddib, waxaana la fahamsan yahay inay wax is bedeleen.

Hadalsame Media