”Oo ma buuxinaysaan?!” – Masar oo marka hore hubsanaysa inay ”RUN” tahay inay Itoobiya buuxinayso kayd-biyoodka biyo-xireenka (Astaan taa muujinaysa oo…)

0

(Qaahira) 18 Luulyo 2020 – Masar ayaa la sheegay inay weli hubinayso inay Itoobiya buuxinayso Biyo-xireenka ku kacaya £3bilyan ee geni Niilka Buluugga ah, kaddib markii uu jooggiisu hoos u dhacay 90milyan oo mitir oo 3 jibbaaran maalin qura.

Biyo-xireenka oo uu dhererkiisu dhan yahay 500 oo cagood, ballaciisuna gaarayo 6,000 oo cagood, ayaa Masar siiya 90% ka mid ah biyaha ay cabto.

Muuqaallo uu dayax-gacmeedku qaaday 12-kii bishan ayaa muujinayey kaydka biyo-xireenka oo buuxsamaya, taasoo keentay in la is waydiiyo inay Itoobiya xirtey albaabada biyo-xireenka.

Wasiirka Waraabka ee Suudaan ayaa Arbacadii sheegay in biyaha Niilka Buluugga ee aagga saldhigga al-Dayem ay hoos u dheceen 90milyan oo mitir oo 3 jibbaaran.

Wasiirka Biyaha Itoobiya, Seleshi Bekele, ayaa isna isla Arbacadii xaqiijiyey inay buuxin ku bilaabatay kayd-biyoodka ka dambeeya biyo-xireenka, kaasoo uu haatan jooggiisu gaarey 1,837 cagood (560 mitir), halkii uu awal ka ahaa 1,720 oo cagood (525 mitir), waloow uu sheegay in roob u sabab yahay arrintaasi.

Yeelkeede, Ahmed Hafez, afhayeenka Wasaarad Dibadeedka, ayaa sheegay inay Qaahira Itoobiya waydiisatey ”sharraxaad rasmi ah” oo ku saabsan warka wasiirka.

Masar ayaa horay u sheegtay in tillaabo kasta oo ay hal dhinac qaadaan uu ka dhalan karo khilaaf toos ah.

Hadalsame Media