”Iiraan waxay xiriir khatar ah la samaysatay kooxda Al Shabaab” – Foriegn Policy

0

(Muqdisho) 18 Luulyo 2020 – Dalka Iiraan ayaa la sheegayaa inuu xiriir qarsoodi ah la samaystay kooxda Al Shabaab ee argagixisada ah, iyada oo adeegsanaysa siyaasad la mid ah tan uuu Ruushanku ka wado Afghanistan si ay ula dagaallamaan Ciidamada Maraykanka iyo kuwa kale ee shisheeyaha ah ee nabad sugidda u jooga Somalia, sida ku dhigan Foreignpolicy.

Iiraan ayaa la kooxdan lacag iyo hub ku siinaysa inay dagaal wakaaladeed u dan ah dalka Iiraan ka oogaan dalka Somalia, iyada oo aan la eegayn danta umadda ku baaba’aysa mashaariicdaas halista ah.

Waxaa hubkan Iiraan sidoo kale loo diraa Kenya, Tanzania, South Sudan, Mozambique, iyo Afrikada Dhexe. Ciidamda Quds Force ee Iiraan ayaa la sheegay inay xiriir dhow la leeyihiin shabakaad argagixiso ah, sida ay sheegeen Saraakiisha Somalia.

Iiraan ayaa saliid rakhiis ah qaab Barmuudays ah ku keenta Somalia iyo Afrika si ay kharashka kasoo baxa ugula dagaallanto amaanka Yemen iyo Somalia, iyada oo kooxahan adeegsanaysa, ayaa la raaciyey.

Waxay Al Shabaab siisaa hub casri ah, walxaha qaraxyada laga sameeyo, hoobiyeyaal iyo kiimiko, waxaana la sheegay in weerarro badan oo ay gaysteen 2019-kii iyo 2020 inay door wayn ku leedahay.

Iiraan oo ah dowlad ay foowdaawi ka dhigtay cunaqabataynta reer Galbeedku ayaa sidoo kale si wayn oo sharci darro ah uga kalluumaysata xeebaha Somalia, iyada oo aan marna doonayn inay aragto dowlad kula xisaabtanta oo halkaa ka hana qaadda.

Somalia ayaa xiriirka diblomaasiga ah si rasmi ah ugu jartay Iiraan 7-dii Jannaayo 2016-kii, wax loo arkay qorshe qar iska tuur ahaa oo lagu raalli gelinayey Sucuudiga, taasoo sii kordhinaysa cadaawadda ay Iiraan u qabto Somalia.

Hadalsame Media