Axmed Madoobe oo maanta booqanaya Cadaado (Xiriir hore oo kala dhexeeya & xeelad ku jirta booqashadan)

0

(Cadaado) 18 Luulyo 2020 – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, ayaa lagu wadaa inuu maanta booqdo magaalada Cadaado, halkaasoo ay dadka degaanku soo dhoweyn heer sare ah ugu samayn doonaan.

Axmed Madoobe ayaa la sheegay inay jirto taariikh kala dhaxaysa magaalada Cadaado maadaama uu yaraantiisii halkaa kula noolaa aabbihii Maxamed Islaam Sheekh oo muddo halkaa joogey.

Madoobe ayaa maalmihii yaraa ee ugu dambeeyey ku sugnaa magaalada Garoowe, halkaas oo uu ka mid ahaa madax ka kaga qeyb gashay aaskii Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Xasan Abshir Faarax iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi (AUN).

Lama oga inay booqashadiisu sidoo kale tahay xeelad uu uga fool dadbanayo MW Farmaajo oo aanay isku fiicnayn, kaasoo lagu wado inuu maanta gelinka dambe Dhuusamareeb gaaro.

Hadalsame Media