Turkiga oo hub ay ka mid yihiin Daroonno & Hannaanka Dagaal Danabeedka (EW) siinaya dal Muslim ah oo lasoo weeraray

0

(Ankara) 17 Luulyo 2020 – Turkiga ayaa sheegay in uu dalka Azerbaijan siinayo dayuuradaha is wada ee daroonka (UCAV), rasaas, gantaalo iyo hannaanka dagaal danabeedka (EW), sida uu sheegay guddoonka SSB, Ismail Demir.

Turkiga aaya sheegay inay dalkaa oo ay beri dhowayd soo weerartay Armenia ka caawinayaan dhanka casriyaynya hubkooda oo inta badan ah midkii Midowgii Soofiyeeti, dayactirkiisa iyo tababarka ciidamada, kaddib kulan ay la yeesheen Wasiir Xigeenka Difaaca Azerbaijan’ Ramiz Tahirov iyo abaanduulka, Kerem Mustafayev.

Azerbaijan ayaa dhowaantan wuxuu dagaal ku dhex maray Armenia, oo ah dal ay muddo dheer ku coltamayeen Gobolka Nagorno-Kharabakh, waxaana dagaalkaa oo Axaddii dhacay ku dhintay 16 qofood oo kala kala tirsan labadan Jamhuuriyadood oo Soofiyeetka beri ku midaysnaa.

Nagorno-Kharabakh, ayaa waxaa 1990-kii qabsaday kooxo asalkoodu Armenian yahay, waxaana dagaal halkaa ka dhacay ku dhintay 30,000 oo qofood, waloow meesha uu dagaalkan dambe ay tahay dhanka woqooyi oo ka fog aagga Nagorno-Karabakh.

Hadalsame Media