Shiinaha oo cunaqabatayn saaray shirkaddii $620m ku qaadatay dayactirka gantaalaha Taiwan (Maraykanka oo loo digey)

0

(Beijing) 15 Luulyo 2020 – Beijing ayaa cunaqabatayn dul dhigtay hubka ay sharikadda Maraykanka ah ee Lockheed Martin ay ka iibiso Taiwan, oo uu Shiinuhu u arko dhulkeeda qayb ka mid ah, taasoo sii xumaynaysa xiriirka Maraykanka iyo Shiinaha.

Lockheed Martin ayaa la sheegay inay tahay midda qandaraaska ku qabta qorshaha ay Washington $620 milyan oo doollar ugu dayactirayso kuna casriyeynayso gantaalaha Patriot ee dhul ka cirka ah, kaasoo ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda fasaxday todobaadkii tegey.

“Shiinuhu wuxuu si adag uga hor jeedaa in hub laga iibiyo Taiwan,” ayuu yiri Afhayeenka Wasaarad Dibadeedka Shiinaha ee Zhao Lijian oo tilmaamay inay cuna qabateeyeen Lockheed Martin.

Afhayeenka ayaa si cad Washington ugu sheegay in “ay joojiyaan hubaynta Taiwan isla markaana ay jaraan xiriirka ciidan ee ay la leeyihiin Taiwan, si aanay usii dhaawicin xiriirka China iyo Maraykanka.”

Beijing ayaa ku celcelisa sida aanay u ogolayn in taageerada Maraykanka ay ku tumanayso mabda’a hal Shiine oo aan la kala goyn karin, sida ay qabto Beijing.

Hadalsame Media