Nin Soomaali ah oo haween ay Soomaali ku jirto ku dhaawacay dalka Norway + Sawirro

0

(Sarpsborg) 15 Luulyo 2020 – Nin 31-jir ah ayaa la qabtay kaasoo ku eedeeysan dil iyo isku day dil, sida ay sheegayaan Booliiska Sarpsborg oo u dhow caasimadda Oslo.

”Shilkani wuxuu dhacay xalay markaasoo lagu dhaawacay haweeneey ku jirta da’da 50-meeyada, 2 kale oo ay ay midi si xun u dhaawacan tahay ayaa ku dhaawacmay,” sida ay sheegayso dembi baare Agnes Beate Hemiø.

Booliiska ayaa intaa raaciyey in ninka oo horay loogu helay dembiyo cunfi la xiriira, uu xiriir la lahaa haweenka uu dhaawacay 2 ka tirsan, waloow aysan faahfaahin nooca uu ahaa.

Ninka wax gaystey ayay saxaafaddu ku sheegtay nin shisheeye ah asal ahaan kaas oo haysta dhalashada Norway, balse Soomaali goobta ku dhow ayaa Hadalsame Media u sheegtay in uu ninkani yahay mid yara xanuunsan dhimir ahaan oo Soomaali ah. Waxaa sidoo kale Soomaali ah haweenka dhaawacmay laba ka mid ah, isagoo weerarka u adeegsaday toorreey.

Booliiska ayaa sheegay in Booliiska loo qayla dhaamiyey 11.30 pm fiidnimo, iyadoo haweenka midood oo joogtey dukaamada Storbyen ay gaari ku dhex jirtey iyada oo sugeysey qof qaraabo ah.

Daqiiqado kaddib waxay Booliisku heleen farriin kale oo sheegaysa in qof kale lagu  dhaawacay jidka St. Nikolas. Qofka ugu dambeeya wuxuu ku dhaawacay jidka Oskarsgate, waxaana goobahaa soo gaarey gawaari badan oo Booliis ah, iyada oo dadkii lagu qaaday dayuurad qumaatiga u kacda oo aambalaas ah.

Hadalsame Media