Garsoore Soomaaliyeed oo HIILLO wax ku ool ah u sameeyey dalka Qadar (Sucuudiga & Imaaaraadka oo…)

0

(Hague) 15 Luulyo 2020 – Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ, oo hoos tagta QM, ayaa go’aamisey inay sharci darro tahay go’doominta ay afarta dal kusoo rogeen dalka Qadar muddo 3 sanadood kahor.

Maxkamaddan Hague-fadhida ee ICJ ayaa shalay diiddey inay eegto rafcaan ay go’aankan ka qaateen Bahrain, Egypt, Saudi Arabia, iyo Imaaraadka (UAE) oo diidanaa go’aan kan la mid ah oo ay horay u gaartey hay’adda Duullimaadyada Caalamiga ah ee ICAO, sida uu sheegay Madaxwaynaha ICJ ee Abdulqawi Ahmed Yusuf oo u dhashay Somalia, iyadoo ay u codeeyeen 15 garsoore, iyo mid diidey.

ICAO ayaa 2018-kii dalalka deriska la ah Qadar ku eedeeysay inay ku tumanayaan xaqa ay dayuuradaha dalkaasi u leeyihiin inay maraan hawadooda.

Yeelkeede, dalalkan afarta ah ayaa ku gacan sayray xukunka ICAO oo ay ku tilmaameen mid aan xaq u lahayn inay arrimahaa go’aan ka gaarto.

Hadalsame Media