Somaliland & Taiwan oo iska kaashanaya KAABE aad u muhim ah (Waa maxay?)

0

(Hargaysa) 14 Luulyo 2020 – Wasiirka Waxbarashada Somaliland, Ahmed Mohamed Dirie “Toorno”, ayaa la kulmay wakiilka Taiwan ugu qaybsan arrimaha Somaliland, Lou Chen-hwa, kaasoo ay isla soo qaadeen sidii ay Taiwan dhanka waxbarashada uga caawin lahayd Somaliland.

Taiwan iyo Somaliland ayaa si rasmi ah u samaystay xiriir diblomaasiyadeed oo dood dhalis ah, iyaga oo wakiillo isu magacaabay waloow aanay weli si rasmi ah howshaasi u bilaabmin, dunida kala xiran darteed.

MW Somaliland ee Muse Bihi ayaa Mohamed Hagi u magacaabay wakiilka caasimadda Taiwan ee Taipei u jooga Somaliland, halka ay Taiwan magacowday Lou Chen-hwa oo Hargeisa ku metelaya.
1-dii Luulyo, Wasiir Dibadeedka Taiwan, Joseph Wu ayaa ku dhawaaqay in ay labada “dal ku heshiiyeen samaysiga wakiillo ka shaqeeya danaha labada dhinac”, sida uu u dhigay.

Dowladaha Shiinaha iyo Somalia ayaa si wayn uga soo hor jeestey tillaabadan oo ay labada dalba u arkaan mid ka dhan ah madax bannaanidooda iyo midnimadooda.

Hadalsame Media