Maxay Turkiga & Sucuudigu isku haystaan? Midkood se ma yeelan karaa awood uu…..

0

(Hadalsame) 13 Luulyo 2020 – Turkiga iyo Sacuudiga mid waliba maanta wax uu is ka dhigayaa in uu isagu Muslinka dunida matalo, loollanka dhexdooduna halkaas buu ku sal lee yahay. Matalaadda Muslinka ee ay is ku haystaan ma aha wax midkoodna awoodo oo taagteedaba ma leh, waayo labadaba hubka ay haystaan waa mid ay ka helaan quwadaha kale.

Dawlad hubkeeda cid kale ka helaysaana ma noqon karto super power, iyada oo hubka iyo ciidanku yahay astaanta iyo sababta kowaad ee awoodda. Labaduba se wax ay raadinayaan in ay Muslinka ku yeeshaan saamayn ay naftooda ku buunbuuniyaan dabadeed quwadaha kale ku la gorgortamaan oo haybad iyo qaddarin ka ga helaan.

Sacuudiga damacaa waxaa galiyay isaga oo haysta lacag badan oo saliidda ka soo baxda, Turkigana dhawr iyo tobankii sano ee tagay dhaqaalihiisa ayaa aad u fiicnaaday. Waxaa kale oo keenay Aal Sacuud oo gacanta ku haya labada xaram ee Islaamka ee quluubta Muslinku ku xidhan tahay, Turkiguna wax uu ku dhaadanayaa in uu qarniyo badan Muslinka matali jiray.

Dhismaha dalxiiska ee Aayasuufiya ujeedka Ordogaan waqtigan masaajid u gu rogay waa in uu doonayo kasbashada dareenka shucuubta Muslinka oo uu dib u xusuusiyo maalmihii guulaha Cismaaniyada.

Sababta aan labada midkoodna Muslinka u matali karin, hub la’aanta iyo ku xidhaanta quwadaha kale ka sokow, waa iyaga oo aan aydoolojiyad ahaan sidaa u diyaarsanayn. Aala Sacuud waa qoys faasid ah oo ka fog damac Islaamnimo, sumcad ahaanna dadka Muslinku wax ayba u yaqaannaan Aala Saluul, kaas oo ahaa qoyska gaalkii weynaa ee Cabdillaahi bin UbayI bin Saluul ee ay Rasuulka (NNKH) colka ahaayeen.

In ay Muslinka matalaan is kaba daa ee waaba shaabuugga reer Galbeedku Muslinka ku garaacaan iyo awoodda ay ku ka la qaybiyaan. Turkiga qudhoodana ninkan Ordogaan la yidhaahdo ayuun baa magaca “Islaamka” ka dhawaajiya ee dadkiisu waa bulsho cIlmaani ah oo qoomiyadnimada Turkiga ku dheggan.

Markaa labaduba dunida Muslinka ee ay duruufta adagi haysato ayay gashanayaan dantooda qooWmiyadeed, xaaladda Turkiga, iyo dantooda qoys, xaaladda Sacuudiga.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd-yuusuf

Hadalsame Media