Shan qodob oo kasoo baxday shirka Dhuusamareeb (Wejiga labaad oo la gelayo)

0

(Dhuusamareeb) 13 Luulyo 2020 – Waxaa 5 qodob laga soo saaray shirka magaalada Dhuusa-Marreeb uga socdey madaxda Maamul-gobaleedyada kaasoo u gogol xaaraya shir kale oo ka ballaaran oo ay kasoo qayb gelayaan madaxda DF Somalia.

Waxaa shanta qodob ugu muhiimsan in la sii sheegay inuu shirku gelayo wejiga 2-aad oo ku qabsoomaya isla Dhuusamareeb. Waxaa ay qodobbadu kala yihiin:

1. In la xoojiyo iskaashiga Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, amniga iyo horumarinta dhaqaalaha.

2. In doorashada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee 2020/2021 ay ku dhacdo wakhtigeedii, aysanna imaan wax muddo kordhin xileed ah.

3. Sida ay sheegtay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dalka kama dhici karto doorasho hal qof iyo hal cod ah oo wakhtigeedii ku dhacda, sidaas darteed waa in tubta farsamo ee qabsoomidda doorashada Dalku ay noqoto mid taladeeda loo dhan yahay, nooc ahaanna ku dhici karta muddo xiliyeedka harsan.

4. Shirku wuxuu ku baaqayaa in Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah iyo Ra’iisal Wasaaraha iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah ay shir wada-tashi ah isugu yimaadaan si ay uga wada arrinsadaan tubta farsamo ee qabsoomidda doorashada Dalka ee 2020/2021.

Shirku wuxuu ku baaqayaa in shirka wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah uu ka dhaco magaalada Dhusamareeb ee Caasumadda Galmudug.

5. Shirku wuxuu ka mahad celinayaa taageerada Beesha Caalamka ee ay la garab taagan tahay dhismaha Dowladnimada Soomaaliya.

Hadalsame Media

Facebook Comments