XOG: Taiwan oo saldhig ciidan ka samaysan karta Berbera & Shiinaha oo qaadi kara tillaabooyin dan u ah DF Somalia

0

(Hadalsame) 11 Luulyo 2020 – Taiwan ayaa la sheegay inay saldhig ciidan ka samaysan karto Somaliland, gaar ahaan magaalada Berbera, sida ku cad warbixinnada la helayo.

Sida ay sheegtay saxaafadda  Somaliland “Taiwanese-ku horayba waa u joogeen halkaa” oo waxaa ka shaqeeya unugyo ka tirsan ciidamada millateriga dalkaasi, gaar ahaan kuwa caafimaadka ka shaqeeya.

Sida xogtu sheegayso, wejiga 2-aad ee heshiiska Somaliland iyo Taiwan ayaa dhigaya inay Taiwan dhoollatus ciidan ama xitaa saldhig joogto ah ka samayn karto Somaliland, taasoo kicinaysa Shiinaha oo saldhiggiisii koowaad ee dibadeed ku leh meel u muuqata Somaliland oo ah Jabuuti.

Shiinaha oo go’doomiya Taiwan ayaa ku guulaystey inuu kasoo eryo dalka After Burkina Faso oo xiriirkii u jartay Taiwan 2018-kii, waxay taasi ka dhigan tahay in Eswatini (ex Swaziland) oo ah dal yar oo aan saamayn lahayn uu yahay midka qura ee Afrikaan ah ee xiriir la leh Taiwan ama  “Republic of China”.

Cawaaqibka – Haddii uu xoogaysto xiriirka Taiwan iyo Somaliland waxay taasi keeni kartaa inuu Shiinuhu isna sare u qaado xiriirka uu la leeyahay DF oo aan haatan sidaa u muuqan, isagoo sidoo kale qaadi kara tillaabooyin caalami ah oo ka dhan ah aqoonsiga Somaliland lafteeda.

Waxay taa lafteedu keeni kartaa siyaasad-dhuleed oo u dhexeeysa Maraykanka iyo Shiinaha oo ka curata Geeska Afrika, gaar ahaan dhulka Soomaalida oo ah meel istaraatiji ah, balse aanay ka jirin siyaasad iyo qorshe qaran oo micne badan caalamiyan, iyadoo ay Taiwan noqonayso gacanta dadban ee Maraykanka.

Golaha Amaanka ee Aqalka Cad ayaa shalay Twitter kusoo qoray wax u muuqdey taageero dadban oo uu siinayo xiriirka Taiwan iyo Somaliland, balse waxaa iyaduna adag inuu Maraykanku is maqiiqo maadaama uu dano kale ka leeyahay Somalia inteeda kale oo uu haatan 3 meelood ka joogo koonfurta sida Muqdisho, Kismaayo iyo Balli-doogle.

Ugu dambayn, waa xaalad laba laako ah, waayo Maraykanku si cad uma taageeri karo qorshaha Taiwan isagoo maanka ku haysa DF, Shiinuhuna ma aqoonsan kara Somaliland oo waxay ka horjeeddaa mabda’iisa Somalia, waxay kaloo keenaysaa in xiriir lala samaysto Taiwan, Somaliland iyaduna waxay sheegtay inaysan ka noqonayn xiriirka Taiwan

Hadalsame Media