”Waxaad siddaa xamuul sharci darro ah!” – Kenya oo doonaysa inay hesho dariiq danteedu ku jirto oo ay Jaad ugu daabbuli karto Hargaysa (Diblomaasiyaddii Jaadka)

0

(Nairobi) 11 Luulyo 2020 – Ganacsatada Jaadka Kenya ayaa sheegaya inay doonayaan duullimaad toos ah oo ay ku tagaan Hargeysa, iyagoo tilmaamay inay Muqdisho ku xumaatay oo ay si gaar ah u riixayso.

“Waxaan duulliyihii lagu yiri waxaad siddaa xamuul sharci darro ah, waloow aan ogolaansho ka heysanney Somalilan,” ayuu yiri Munjuri.

Warkan ayaa tixraacaya dayuurad siddey Jaad dhan 13.6 oo tan oo Miraa ah, kaasoo laga celiyey hawada Somalia, iyadoo uu Guddoonka Jamciyadda Jaadleeyda Kimathi Munjuri sheegay inay sidaa uga khasaartay USD 80,000 oo doollar.

Munjuri ayaa ka cowday wax uu ku sheegay gaabiska ay socoto heshiis ganacsi oo ay Wasaarad Dibadeedka Kenya la gasho Somaliland.

“Waa in muhiimadda la siiyo duullimaad toos ah oo Hargaysa ka degaya. Somalia cadow ayay nagu tahay,” ayuu yiri isagoo sheegay in looga eexdo Jaadka Itoobiya.

“Jaadka Itoobiya canshuur badan loogama qaado Muqdisho, halka Puntland ay $5 doollar (Sh500) saartay halii kiilo, taasoo aysan ka bixi karin beeralaydeeynnu,” ayuu ku cataabay.

Intaa wuuba sii dhaafay oo wuxuu sheegay inay Somalia Jaadka Kenya hadda rakaato ahaan u adeegsanayso. “Miraa waa bartilmaameed jilicsan oo ay eegato Somalia markasta oo ay doonayso dareenka Kenya. Waan inaan tan ka diyaar garownaa,” ayuu soo jeediyey Mr Munjuri.

Kenya ayaa u muuqata mid wadda siyaasad aysan si deggan oo caqli ku jiro uga baaraandegtey, tusaale, Kenya iyada ayaa bilowgii xirtey xadka Somalia iyo Kenya, waxay xitaa gubtey badeeco ka timid Kismaayo iyo Muqdisho, balse waxay doonaysaa inay Somalia gasho markii ay doonto, iyadoo ay Somalia ka xiran yihiin duullimaadyada caalamiga ah ee aan sidin wax asaasi ah, iyada oo uu Jaadku dhib wayn ku hayo hab-nololeedka Soomaalida.

Hadalsame Media