”Waa halis amaan!” – Hindiya & Imaaraadka oo qoorta iskugu jira (Dahab tahriibis ah oo la qabtay & dood ka taagan)

0

(Kerala) 11 Luulyo 2020 – Diblomaasiyiin Imaaraati ah ayaa wajahaya su’aalo dhamac ah kaddib markii ay qunsuliyadda Imaaraadka ee Hindiya ay ku lug yeelatay arrimo dahab tahriibin ah.

Diblomaasiyiinta ayaa lagu qabtay dahab ku kacaya ugu yaraan $2milyan oo doollar, kaasoo u cufkiisu yahay 30kg oo lagu xareeyey boorso diblomaasi lagana soo diray Imaaraadka oo ku socdey qunsuliyadda magaalada Kerala, ee koonfurta Hindiya, halkaasoo ah gobol ay ka yimaadaan kumannaan Hindi ah oo ka shaqeeya dalkan Khaliijka ku yaalla.

Arrinta ayaa xiise yeelatay markii boorsada la qabtay dusha laga saaray Swapna Suresh, oo ay Safaaradda Imaaraadka ee New Delhi ku doodday “inaysan gabadhaasi iminka u shaqaynin oo horay dhaqan-xumo darteed loo eryey.”

Gabadhan ayaa sheegtay in xiriirka ay arrintan la leedahay ay tahay oo qura iyada oo lagu amray inay Kastamka wacdo, iyadoo ku shaqaynaysa amarka Qunsul-xigeenka Kerala, Rashid Khamis al-Sheimeili, kaasoo xilka la wareegey markii uu halkaa ka tegey qunsulkii cudurka coronavirus dartii.

Webka Hindiga ah ee Newsminute oo xiganaya ilo Kastamka ka tirsan ayaa qoray in “boorsadani ay rasmiyan ka timid oo uu ka muuqdo saxiixa Dowladda Imaaraadka oo u soo dirtay Kerala”.

“In la furo boorso diblomaasi ee laga helo kontarobaan, waloow aysan naadir ahayn, waa arrin halis ku am amaanka qarankeenna, waxaana arrintan gacanta ku haysa Hay’adda Dembi Baarista Hindiya ee INIA.” ayay ishaasi u sheegtay wargayska.

Hadalsame Media