DHEGEYSO: MW Deni oo isku marqaati furay (Arrin ay maamulladu dayaceen oo uu ka dhawaajiyey)

0

(Dhuusameeb) 11 Luulyo 2020 – Waxaa maanta Dhuusameeb ka furmay shir ay halkaa ku leeyihiin madaxda maamulladu, kuwaasoo khudbado furitaan ah madasha ka jeediyey, kahor inta aanay guda gelin qodobbada ay ka xaajoonayaan.

Waxaa dadkii halkaa ka hadlay ka mid ahaa MW Puntland, Md Siciid Deni oo qiray khalad ay leeyihiin maamullada, balse aan inta badan la is waydiinin oo ah inaysan ku dhowaad wax sidaa u ridan ka qabanin arrimaha adeegga bulshada oo ah shaqada ugu wayn ee Maamul-goboleed u samaysan yahay, iyagoo taa biddaalkeeda, waqti badan ku lumiya ka doodista arrimo heer qaran ah oo ay u xil saaran tahay DF.

”Degaannadeenna nolosha ay haatan ku nool yihiin waxay nagu noqonaysaa dembi. Dalkii dib u dhac wayn baa ka jira, meelo yar yar baa ka iftiimaya. Dadku adeegyadii asaasiga ahaa ma haystaan,” ayuu yiri Deni.

”Noloshii asaasiga ahayd sida tacliinta iyo caafimaadka, horumarka iskaba dhaafe, xitaa rucbi (argagax) ayay ku nool yihiin oo nabadgelyo ma haystaan. Mas’uuliyad wayn baa na saaran.” ayuu raaciyey.

Warkan ayaa ka dhigan mid uu iskula marqaati furayo Md Deni oo u muuqda mid ugu yaraan og sida ay howlohoodii uga jiifaan.

Hadalsame Media