Dal Somalia cadaawad u muujiyey oo balaayiin ku bixinaya Ciidamada Badda Itoobiya (Magaalooyinka Somalia ee u calaamaysan)

0

(Addis Ababa) 11 Luulyo 2020 – Ethiopia ayaa markale muujinaysa hami caalami ah, iyadoo isha ku haysa inay noqoto cudud dhanka badda ah tiiyoo ay tahay dal bad-xiran ah.

RW Abiy Ahmed ayaa bishii Maarso 2019-kii, wuxuu heshiis la galay Faransiiska oo u ballan qaaday 2.8 Bilyan oo Euro taasoo lagu maalgelinayo agab ciidan, iskaashi dhanka cirka ah, dhoollatus wada jir ah, iyo tan ugu muhiimsan oo ah dib u dhiska ciidamada badda Itoobiya.

Itoobiya oo ciidamadeeda badda kala dirtay kaddib markii ay ka go’day Eritrea ayaa leh hami cusub oo kii hore ka ballaaran, wuxuuna RW Abiy Ahmed oo heshiis la galay isla Eritrea uu sidoo kale doonayaa inuu xiriir dhow la yeesho Djibouti, Somalia iyo Sudan, isagoo adeegsanaya diblomaasiyad jilicsan oo ku dhisan iskaashi dhaqaale, ganacsi, bulsho iyo dano la wada yeesho.

Waxaa jirta arrin soo jiidatey reer Galbeedka iyo caalamka kale, waana dhaqaalaha kobcaya ee Itoobiya iyo 102milyan oo dad ah oo halkaa ku nool, sidaa darteed, wuxuu u baahan yahay inuu soo jiito maalgashi caalami ah, si uu taa u gaarana waa in amaan laga dhigaa badaha ku xeeran ltoobiya, oo ay ka jiraan burcad badeed, sida uu Modern Diplomacy ku qoray Ankit Malhotra.

Adis Ababa ayaana sidaa darteed dareensan inay u baahan tahay inay arrintaa la xaasho, iyadoo sidoo kale leh dano ”siyaasad-dhuleed oo fog”, iyadoo doonaysa inay roondeeyso xeebaha Geeska Afrika oo jiidan 727,000 mi², wuxuuna qoraagani sheegayaa in dalalka deriska ihi aanay xeebohooda ilaashan karin, sidaa darteed, ay Itoobiya u ilaalinayso.

Marka la dhadhansado dalka aan xeebihiisa ilaalin karin dabcan waa dalka Somalia, balse waxaa meesha ka maqan waxa diidaya in la dhiso ciidamadii badda Somalia ee loogu baahan yahay in dal deris ah oo aan bad lahayn ciidamo badeed loo sameeyo ee la yiraahdo waxay ilaalinayaan xeebaha dalalka ”aan badohooda ilaashan karin.”

Dalka durba u hanqal taagaya inuu saldhig siiyo waa Jabuuti, kaasoo isu keenay dalal ay danohoodu is diiddan yihiin sida Maraykanka iyo Shiinaha ayna dhici karto inuu arrintaa ciin ku daaqo, balse marka aad marti geliso ciidamo fara badan oo ay ku jiraan kuwo gobol waxaa marka dambe meesha ka baxaysa inaad cod yeelato, adigoo ku khasban inaad meelayso danaha dalalkaa.

Adis Ababa ayaa sidoo kale jeclaan lahayd dekedda Musawac ee Eritrea, balse taariikhda qaraar ee labada dal xilligan sahal maaha, yeelkeede, waxaa iminka xiriika Muqdisho iyo Addis sidaa darteed, waxaa mustaqbalka dhow sharraxan dekedaha Boosaaso iyo Kismaayo, ayuu leeyahay Ankit Malhotra.

Hal dal oo ay tahay inay Soomaalidu il u yeelato waa Faransiiska oo lagu tilmaamo dalka ugu gunsan inta wax soo gumaysatey, kaasoo haatan ah dalka 1-aad ee taageersan aragtidan ciidamada badda loogu dhisayo Itoobiya, isla markaana ah midka gadaal ka riixaya sheegashada Kenya ee dhul-badeedka Somalia.

Hadalsame Media