Amitabh Bachchan & wiilkiisa Abhishek oo mar qura isbitaalka loola cararay & xaalkooda + Sawirro

0

(Mumbai) 11 Luulyo 2020 – Arbayaasha Bollywood ee Amitabh Bachchan (Cali Dheere) iyo wiilkiisa Abhishek ayaa labadaba laga helay cudurka COVID-19 iyadoo isbitaal loola cararay.

Boqorka Bollywood oo 77 jir ah, iyo wiilkiisa, oo 44 jir ah, ayaa warka taageerayaashooda kula wadaagey Twitter maanta, iyadoo ay dadku u dheg taagayeen.

Ninkan ay Soomaalidu u taqaan Cali Dheere ayaa guursadey qalanjadii hore ee iminka ku jirta Baarlamanka Hindiya ee Jaya Bachchan (nee Bhaduri), sanaddii 1973-kii, waxayna u dhashay gabadha Shweta Bachchan Nanda iyo wiilka Abhishek Bachchan.

Abhishek, oo qaba qalanjada Aishwarya Rai, ayaa isna laga helay coronavirus.

”Dhamaan dadkii aan u dhowaanney 10-kii beri ee tegey fadlan is baara”. ayay yiraahdeen.

Tweet-kii ay soo qoreen

Hadalsame Media