3 qodob oo ugu adag doodda ay isku hayaan madaxda maamullada (Deni & Axmed oo hal arrin ku kala duwanaan kara)

0

(Dhuusamareeb) 11 Luulyo 2020 – 3-da Qodob ugu adag doodaha iyo shirka Hoggaamiyayaasha ee hadda bilowday.

Hogaamiyayaasha dawlad gobaleedyada ee kushirsan magaalada DhuusaMarreeb ayaa leh kulanka ugu adag oo ay uga doodayaan sadex qodob oo kala ah.

1. Ma jiri kartaa nooc doorasho oo aan ka mideysanahay ama isku raaci karno?
2. Talaabooyinkii baarlamaanka ee bishii June iyo bilowgii July, go’aan wada jir ah maka qaadan karnaa?
3. Madaxda DF Soomaaliya ma ula tagi karnaa go’aamo mideysan, goorta wada hadalkooda & goobta xaggee noqonaysaa?

1. 3-da qodob-ba, dhinacyo kama mideysna, gaar ahana sida muuqata Hirsabelle, Galmudug waxay wada difaaci doonan matalaada gobalka Banaadir ee baarlamaanku soo saaray 27ka bishii hore, Koonfur Galbeed-na wararka ugu dhaw ayaa sheegaya in aysan mawqifkaas ka fogeyn, ayna gaashaanbuursi kula tahay dawlad gobaleedyadaas nooca doorasho ee 4.5 in lagu laabto, Qodobkan ayaa sidaas oo kale aysan jirin dhabo looga weecan karro hadda.

2. Puntland oo horey u sheegtay in 3dii April 2016 ay saxiixday heshiis looga gudbayo, ayna saxiixeen Cabdiweli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid, oo xiligaas kala ahaa R/wasaare iyo Madaxweynaha Puntland, markhaatina uu ka ahaa Wasiirkii Arrimaha dibada Itoobiya, kana soo jeeday Qowmiyada Tigree-ga.

Puntland hadda mahaysato nooc kale oo ay kubedeli karto 4.5, xubnaha ugu dhaw ee M/weyne Deni ayaa sheegaya in ay aqbali doonan in lagu laabto, sidaas oo kale fikrad ahaan 4.5 in lagu laabto waxaa kaga awood badanaya maamulada kale oo doonaya.

3. Jubbaland aragti ahaan kama fogaan karto dhanka Nidaamka 4.5 in lagu laabto, arrinta Maqaamkana waa arrin labada dhinac-leba ku adag Axmed Madoobe, maadaama Jubbaland ay beelo badan oo taabacsan mataalada degan yihiin aysan-na lamid aheyn Puntland oo ay wada degaan beelo isku dhaw.

4. Madasha lagu casumayo Madaxda DFS, Martigaliyaha madasha hadda Mr. Qoor-Qoor ayaa doonaya in Galmudug Jiheeyaha noqoto, berrina ay yimaadaan madaxda dawladda Federaalka, taageero wuxuu kahaystaa Laftagareen iyo Waare, laakiin Puntland iyo Jubbaland ayaa doonaya in gogosha is afgaradka la dhigo Garoowe, kadib wada hadalka.

Waxaa Diyaariyey: Faarax Cabdulqaadir Maxamuud

Hadalsame Media