Shirka Dhuusomareeb oo lasoo XIREY isaga oo aan FURMIN! (Xeeladaysi ka socda)

0

(Hadalsame) 10 Luulyo 2020 – Shirkii Dhuusomareeb oo isu badalay xeeladaysi Siyaasaddeed oo la xakameeyay! Siyaasaddu waa arrin xeelad iyo Xog-ogaalnimo u baahan, haddii intaas lagaa waayana waxaa khasab ah in aad ka dagaysid Tareenka siyaasadda.

Maamul goboleedyadda dalka ka jira dhawaan waxaa lagu casuumay shir wada tashi ah oo Dowladda Federaalka ah ku baaqday in lagu qabto muqdisho balse waa ay ka gows adaygeen, taas badalkeedana waxay door bideen in ay Dhuusomareeb ku qabsadaan shir u gaar ah.

Dowladda Federaalka ah kama hadal shirkaas Maamul goboleedyadda balse taas badalkeeda waxaa shiray golaha wasiiradda Soomaaliya waxayna soo saareen qodobo ay ka mid yahiin in Doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo ayna ahaato mid la isla ogol yahay awooda iyo shaqadda ugu badana la galiyo.

Qodobkaas ayaa ahaa qodobkii ugu weynaa ee Maamul goboleedyaddu soo saari lahaayeen sida ay qabaan dad badan oo siyaasadda u dhuun daloola, kaas oo ah midka inta badan maamul goboleedyaddu ku eedaynayeen Dowladda Federaalka ah in ay ka gaabisay oo aysan daacad ka ahayn.

Halkaas waxaa ka muuqda xeelad siyaasadeed oo Nabad iyo Nolol ay cayaareen, taas oo ka dhigan in aysan xiiso badan yeelan doonin qodobadda ka soo bixi doona shirka ka socda Dhuusomareeb, halkaas markay xaaladdu marayso Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa war la hayaa xiiso ma leh.

Haddaba shirka maamul goboleddyaddu waxa ka soo baxaa waxay noqon doonaan labo arrimood midkood.

1aad in eedayn hor leh Dowladda Federaalka ah iyo madaxdeeda loo soo jeediyo ayadda oo lagu eedaynayo arrimo aan cadaymo wadan.

2aad in go’aanka golaha wasiiradda ka soo baxay ee doorashada ku saabsan lagu taageero laguna raaco intii ay horay u soo jeediyeen.

Shirkii Dhuusomareeb oo isu badalay xeeladaysi Siyaasaddeed oo la xakameeyay!

W/Q: Saciid Muuse Shire

AFEEF: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa qofka ku saxiixan oo qura

Hadalsame Media

 

Facebook Comments