SAWIRRO: Taiwan oo hub urursigii sii xoojisey (Gantaallo halis ah oo ay iibsatey)

0

(Taipei) 10 Luulyo 2020 – Wasaarad Dibadeedka Maraykanka ayaa ogolaatay in Taiwan hub looga iibiyo adduun dhan $620 milyan oo doollar, si loo casriyeeyo hannaankeeda istaraatijiga ah ee daafaca cirka ee gantaalaha Patriot (PAC-3).

Maraykanka ayaa shalay oo Khamiis ahayd ogolaaday arrintan oo aanay ku jirin in gantaalo cusub laga gado Taiwan, balse loo dayactirayo, loona tijaabinayo kuwa faraha badan ee ay noocan ka haysato.

Yeelkeede, arrintan ayaa waxaa kasii horreeyey hub kale oo fara badan oo bilihii yaraa ee dambe laga iibinayey Taiwan. Bishii Maajo waxay Maraykanku ka gadeen 18 xabbo oo ah gantaalaha miisaanka culus ee Torpedo oo maraakiibta iyo gujisyadaba laga gano ee MK-48 Mod 6AT.

Wasaarad Dibadeedka Maraynkanka ayaa sheegtay inuu Maraykanku sii wadayo iskaashiga uu la leeyahay dalkaasi, oo ay wada baacsanayaan nabad iyo xasillooni ka hanaqaadda gobolka Indo-Baasifigga, sida ay sheegeen.

Heshiiskan ayaa kusoo beegmaya jeer ay cirka ku shareeran tahay xiisadda u dhaxaysa Maraykanka oo la olog ah Taiwan iyo Shiinaha wayn, oo ay Taiwan gaar ka ahayd tan iyo 1949-kii, waloow aysan markii hore ku samaysmin gooni u goosad ahaan, isla markaana aanu jirin dal si rasmi ah u aqoonsan.

Hadalsame Media