Farmaajo & Khayrre oo ciyaaraya turub uu AAKHIRKIISU lunsan yahay oo iyaga lagu foorayn karo!

0

(Hadalsame) 10 Luulyo 2020 – Hoggaanka Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa dood ka keenay qoraallo is bar bar socda oo kasoo kala baxay Madaxtooyada oo uu mid ka yimid Wasiirka Koowaad, midna dhanka Madaxweynaha.

Ra’iisul Wasaare Kheyrre: “Muddo kordhintu waxay horseeddaa qalalaase siyaasadeed, did amni iyo mid dastuur.” ayay ilo shirka ku dhow dhowi kasoo koobiyeen RW Khayrre oo la hadlaya Wasiirrada. “Waa in laga fogaadaa fikir kasta oo ku dhisan muddo kordhin oo la qabtaa doorasho raalli laga wada yahay.” Ayuu hoosta ka xarriiqay, isagoo afkiisa ka dhowray erayga ”saamileeyda siyaasadda”, oo si dadban warkiisa uga dhex muuqda.

Waxaa daqiiqado kaddib ka daba hadlay MW Farmaajo: “Wuxuu adkeeyey sii xoojinta dimuqraadiyadda dalka iyo in la sii horumariyo hannaanka doorasho, iyada oo mar walba awoodda loo sii dhaweynayo shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay inaan dalka loo horseedin muddo kordhin, lana hirgaliyo doorasho waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka, kuna dhacda jawi midnimo, wadatashi iyo isqancin.” Ayaa la daba dhigay.

Waxaa warka Madaxwaynaha ka muuqata ”inaan loo horseedin”, iyada oo la is waydiinayo cidda horseedaysa maadaama uu isagu yahay qofkii doorkaas qaadan lahaa, waxaa sidoo kale warkan dambe ka muuqata in uu rajaxayo shaxdii Xaliimo Yareey oo qof iyo codka ahayd, taasoo aan farsamo ahaan iyo saanad ahaan aysan qabashadeedu suuragal ahayn haddii aan muddo kordhin la samaynin.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa arrintan dambe ku falanqeeyey qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebook.

”Madaxweyne bal is waafaji muddo kororsi ma oggoli, laakiin 5 bil gudahood ayaan doorasho qof iyo cod ah qabanayaa. Isqancin iyo wadatashi ayaan rabaa iyo la hadli maayo Dowlad Goboleedyada iyo saamileyda kale ee siyaasadda. Doorasho dastuurka waafaqsan ayaa doonayaa iyo waa in la meelmariyo sharciga doorashooyinka oo 4.5 dhigaya.

”Qoraalka Villa Somalia ka soo baxay waa mid caato ah, boor isku qaris ah, waa ciyi waa ka baryey, waana laba canleyn ludda jecli lafta jecli ah, laguna carqaladeynayo go’aankii Golaha Wasiirrada. Haddii si kale loo dhigo waa muddo kororsi labbis cusub loo soo xiray, waa riwaayad soo saaraheedu farsamo xun yahay.”

Arrintan ayaa waxaa ka muuqda jahawareer siyaasadeed oo ka imanaya isla dhanka DF Somalia oo ay ceeb ku tahay inay saacaddan dheelaan kubad dhagax aan soconayn, waxaana looga fadhiyaa mas’uuliyad ay xeerin fogi ku dheehan tahay, si dalkan meesha xasaasiga ah maraya horay loogu dhigo oo la iskugu xirxiro.

Waxaan aad loogu han waynaa inaad keentaa dhaqan-siyaasadeed cusub oo ka qiyam iyo qaayo badan midkii dalka dumiyey amaba ay meelaha la fadh fadhiyaan ragga qaar, balse inuu hadafku kursi kusoo koobmo keeni mayso isbeddelka ay bulshadani u bugto.

Haddii aanay Farmaajo & Khayrre la imanin wax soconaya, waxaa hubaal ah in isla ciyaartoodan caajiska ah looga coodan doono.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media