LIX meelood oo ay madaxda Maamul-goboleedyadu uga eg yihiin hoggaamiye kooxeedyadii fashilmay!

0

(Hadalsame) 09 Luulyo 2020 – Waxaa maanta Dhuusamareeb iskugu tegaya madaxda sare ee ku magacaaban gobollo aanu jirin mid si buuxda u maamula, waloow ay woxoogaa kala roon yihiin.

Waxaa kulankan oo lagu sheegay ”wada tashi” uu ka mid yahay shirar kale oo ay horay u yeelan jireen Maamullada, kuwaasoo aan marna miro dhal noqon.

Marka aad eegto xaaladda Somalia waxaad dareemaysaa inay shacabku intii hore ka bisil yihiin oo ay ilaa xad dareensan yihiin waxa ay tahay in la sameeyo, nasiib xumo se shacabkaasi ma laha rabitaan iyo cod ay ku saameeyaan go’aannada madaxda sheeganaysa inay maamusho meelaha ay shacabkaasi ku nool yihiin, waxayna madaxdaasi taa biddaalkeeda dabaqaan siyaasaddii hoggaamiye kooxeedka ee fashilantay, Somalia na fashilisay ee loogu bixiyey magaca ”Failed Sate.”

MAXAY ISKAGA MID YIHIIN? Madaxda maamullada oo dhan eedda ma laha oo waa is dhaamaan, yeelkeede, haddii sawirka guud la eego siyaasaddu waxay ku biyo shubataa middii hoggaamiye kooxaysiga. Aan qodobayno.

1 – Jacaylka in shirar aan dhamaad lahayn meel lagu qabto. Hoggaamiye kooxeedyadu 98% kama baaqan jirin shir loogu yeero, weliba shirarka waxaa lagu qaban jirey dibedda. Maamullada qaar waxaad dareemaysaa inay aad ugu ololeeyaan in uu shisheeyuhu dhex boodo arrimaha Soomaalida. Waxaan xusuusannaa degmo ka tirsan Somalia oo Wasiir Dibadeedkii Itoobiya ee hore lagu yiri adigu damaanad qaade ka noqo heshiiskan ay gaarayaan wiil iyo hooyadii, suu markii meeshii la wada saxiixay, ugu wada hooseeyey saxiixiisu.

2 – Jacaylka in Soomaalida lagu dhex jiro. Hoggaamiye kooxeedyadu inta badan ma lahaan jirin fal-curin siyaasadeed oo ku salaysan in laga shaqeeyo wanaagga iyo midnimada umadda Soomaaliyeed. Waxaa u kala tarjumi jirey dad kale. Mar bay dhacday inay laba hoggaamiye kooxeed diyaarad wada raaceen iyaga oo dibedda u socda, waxayna sheegeen inaysan xitaa isa salaamin, balse shirka ku xiga ee uu dal kale u qabto waa wada joogeen. Maamullada qaarkood waxay sitaan dhaqankaas.

3 – Isku dirka umadda. Hoggaamiye kooxeedyadu waxay siyaasadba u fahmeen reer hebel oo reer hebel lagu ligo, kaddibna malliishiyaad ay iyagu sameeysteen ayaa jili jirey dagaal lagu sheegayo ”beelo diriraya”, nasiib xumo, beelahaa la sheegayo inay dirirayaan dagaalkaa raalli xitaa kama aha, danina uguma jirto, balse hoggaamiye kooxeedkooda uma sheegi jirin inuu ”naarta aado” kaligii oo iyaga ka leexdo. Maanta noocaas ayaa taagan oo waloow maamul-goboleed lagu sheegayo nin baa kaligii jeebka ku sita. ”Meeshii aan doono ayaan hub iyo xoolo u raadsanayaa” midkood baa ku faanayey.

4 – Kursi jacayl iyo han yari. Hoggaamiye kooxeedba sababta uu usoo baxay marka aad magaciisa dhuuxdo, waa unug siyaasi ah oo kaliya jireeysa markii umadda la qaybiyo oo la is nacsiiyo. Mid baan maalin ku iri ”maxaad u diiddan tahay inay umaddu midowdo”, suu ye ”halkan ayaan wax ka nahay, haddii ay Soomaalidu isu timaado waan ku dhex dhumayaa.” Markaas ayaan ku iri ”ka warran waxaa iman doonta inaad ku dhex dhunto Soomaali oo wada dhunsane.”

5 – Fulin la’aanta wixii lagu heshiiyey. Maadaama aan ku bilownay shir jacaylkii hoggaamiye kooxeedyada, misna 100% diyaar uma ahayn inay fuliyaan waxa lagu heshiiyo. Heesaha ”Soomaaliyeey toosoo iyo ha noolaato” kaddib halkaa ayay ku ekaan jirtey, waayo ujeedku maba aha in wax horay loo socodiiyo, taas ayaana keenaysa khilaafaadka ma dhalayska ah ee maalin walba taagan. Tusaale, shirar hadda kahor la qabtay waxaa lagu heshiiyey qabysiga khayraadka, misna maalmo kaddib waxaan maqlayey maamul leh ”lama taaban karo khayraadka gobolkayga, waayo laguma heshiin.”

6 – Tikniko la rigeeyo. Hoggaamiye kooxeedyadu waxay caan ku ahaayeen isugu faanka tiknikada, taasoo marka laga reebo inuu midba sidii xaabo dagaallo micne darro ah ugu shido dhallinyarada beeshiisa oo ah kuwa ay ku dhacayso khasaarada ugu badan, si uu kursiga dhiigga leh ee xaafaddiisa ugu fadhiyo, aan dalka ka difaaci jirin NACAB SHISHEEYE iyo NACAS SOKEEYE toona. Maanta waa sidii oo kale, waxa wiil qori uusan ku difaacayn xadka Somalia ee bad iyo berriba isla qalloocinaya ee maanta Dhuusamareeb taagan, waa tiro beel.

Ugu dambayn, waxani wada tashi iyo talo umadeed ma aha, sidoo kalena, shaqada maamullada ka mid ma aha inay shirar foowdo ah qabtaan, inay doorasho heer qaran qoondeeyaan iyo inay qalalaase siyaasi ah abuuraan, waxa loo igmaday waa inay iskuul, isbitaal, biyo, jidad, buundooyin, wershado, shaqo u sameeyaan gobollada ay joogaan, balse shacabka Soomaaliyeed ayaa looga baahan yahay inaan xusuustaan casharradaa hore oo aanay aqbalin in markale aayohooda kubad lagu ciyaaro. Allaahuma hal ballaqtum.

Tiraftiraha

Hadalsame Media