FAALLO: Sirta ugu WAYN ee ka dambeeysa in Ciidamada DF laga saaro Dhuusamareeb

0

(Hadalsame) 09 Luulyo 2020 – Dhaqanka budhcadnimada ee dunida loo yaqaan Mafia qarniyo badan buu ka soo jiray dhulka Talyaaniga, waxaana jiray xilliyo aan dalkaa dawlad la ga aqoon ee u qaybsanaa qoysas budhcad ah.

Dhaqanku wax uu ahaa, nin baa qoyskiisa haddana qabiilkiisa ururiya oo hubeeya, una adeegsada in uu qoysaska iyo qabiilooyinka kale soo boobo. Haddii uu awood yeesho dad aan qoyskiisa iyo qabiilkiisa ahayn baa ku biira oo uu ku wada shaqaystaa isaga oo ah wax loo yaqaan mafia boss – hoggaamiye budhcad.

Dadku isaga ayay u shaqeeyaan oo dadka u soo dhacaan una soo laayaan, isaguna wax buu siiyaa maafiyada kalena ka ilaaliyaa. Cidda ka hortimaadda ama la loollanta wax ay ku la dhaqantaa argagixin iyo khaarajin. Dhaqankani weli wuu ka jiraa dalalka horumaray badankooda, sida Talyaaniga, Maraykanka iyo Jabbaan, waana cidda ka shaqaysata dhammaan waxyaalaha sharcigu xarrimay, sida dhaca, khaarajinta, maandooriyaha, hubka, dhillooyinka iwm.

Waa cadawga u gu adag u guna halis badan ee dawladaha sharciga ahi ku la jiraan dagaalka gudaha. Kooxaha maafiyadu dhexdooda aad bay u loollamaan oo isu gumaadaan si ay u ka la qabsadaan suuqyada xaaraanta.

Marmar kale danahooda ayay ka shiraan oo heshiis dhigtaan. Shirarka wax ay ku qabsadaan meelo qarsoon oo aan ciidamada amnigu ka arki karin, hoggaamiye budhcadeed walibana ciidankiisa ayuu soo kaxaystaa oo ilaaliya.

Laakiin dalalka aan lahayn dawlad sharci ah ama faasidka ah maafiyada la ga ma yaqaan, waayo dadka dawladda sheeganaya qudhooda ayaa ku jira kaalintii maafiyada oo sameeya waxyaalihii ay samayn lahayd.

Sidaa darteed dadka dhulalka Soomaalida haysta ee dawladaha sheegta dhammidood waa maafiya kolka la ga reebo Ina Cagjar iyo Farmaajo, ka u gu weynina waa Ina Cumar Geelle. Hoggaamiyayaasha budhcadda qoysaska ah ee gobollada Soomaalida haystaa wax ay ku shirayaan degaannada ay haystaan mid ka mid ah oo ah Galmudug.

Haddaba kol haddii ay budhcad yihiin wax ay amreen inta ay shirayaan in ciidamada dawladda ee sharciga ah gobolkaa la ga saaro, iyada oo nin waliba wato ciidankiisa maafiyada ah.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd-yuusuf

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan oo qura

Hadalsame Media