”Dhurwaa dhig bartay qaado waa ku ceeb!” – Dhibka haysta Oromada oo faahfaahsan!

0

(Hadalsame) 09 Luulyo 2020 – Labaatankii sano ee u dambeeyay qarnigii 19-aad Amxaarkii la gu magacaabi jiray boqor Menelik wax uu ku guulaystay in uu dawladdii koobnayd ee Amxaarada aad u baahiyo. Wax uu qabsaday dhulkii Oromada oo dhan, inta badan Cafarta, dhul ballaadhan oo Soomaali ah iyo qoomiyado kale oo badan dhanka Koonfurta.

Qabsashadani ma ahayn dawladnimo fidday oo keliya ee ficil ahaan wax ay ahayd gumaysi dhab ah. Weliba qoomiyadaha beeraleyda ah oo Oromadu u gu badan tahay waxaa ku dhacay wax la gu suurayn karo addoonsi, waayo beeraha ayaa la gu fashay si wal oo kalena waa loo gu shaqaystay.

Xaaladdaasi wax ay keentay laba dhaqan oo Itoobbiya aad u ga taabbagalay ilaa maalmihii dhowaa ee Tigreega. Midda hore waa Amxaarada iyo Masiixiga oo markaa ka dib dadweynaha reer Itoobbiya ka noqday dad la ga tiro badan yahay, waana halka uu ku baabba’ay magacii Abasiiniya oo reer Yurubku ka dheegteen Carabida Xabashah.

Tiro yarida Amxaaradu wax ay bartay si dawladdoodu u badbaaddo mintidnimo iyo midnimo adag oo dhexdooda ah iyo cadaadis xun oo ay dadyowga kale saareen.

Dhaqanka kale ee casrigii Menelik bilowday wax uu ahaa in ay qoomiyadda Amxaaradu noqoto dabaqad awood badan, hanti badan, dhul beereed badan, dhiigmiirato ah oo dadyowga kale ku dul nool.

Soomaalida oo ahayd reer guuraa xoolo dhaqato ah gumaysiga iyo dhiigmiirashada Amxaaradu ku ma darrayn, xidhiidhka qudha ee ka dhexeeyayna wax uu ahaa askar dhawr degmo fadhida, dagaallo beelaha iyo askartaa dhex mara iyo niman Soomaaliyeed oo balanbaaddo loo yaqaannay oo askarta iyo dadweynaha u dhexeeya.

Dhinaca kale Soomaalidu wax ay dhabarka ku haysay inteeda xorta ah oo kalsoonideeda ayaa weynayd, sidaa darteed loollan bay ku la jirtay Amxaarada ee marnaba u ma ay jabin.

Khasaaraha u gu weyni Soomaalida wax uu gaadhay maalmihii madoobaa ee Ina Iley iyo Tigreega. Taa beddelkeeda Oromada qarnigaa iyo badhkaa la haystay dhab baa loo gumeeyay, haddiiba aan addoomin la odhan. Rajo ay higsadaan waxaa u gu horreeyay sannadkii 1973 oo ay abaabuleen jabhadda OLF, taas oo dareenkeeda iyo taageeradeedaba ay ka heleen Soomaalidii Jamhuuriyadda.

Gumayntu dadka wax ay ka ga tagtaa liidnimo iyo cuqdad nafsi iyo dhaqan oo waqti u ga baahan in la ga bogsado. Haddaba falalka siyaasadeed iyo bulsheed ee Oromada maanta gunnimadaas baa ka muuqata. Bal haddii kacdoonkoodii guulaystay oo ay gumaysigii ka adkaadeen, haddii la marayo marxalad kalaguur oo la isu dhaarsaday in dimuqraadiyad iyo doorashooyin xor ah loo gudbo, asay isu aqoonsan yihiin qoomiyadda dalka u gu tiro badan sidaasna ay iyaga nabadda iyo doorashada u gu badiso, sow ma ahayn in ay xasilaan oo hormuud ka noqdaan dajinta xaaladda?

Sow ma ay ahayn in ay habsami u socodka isbeddelka ku mintidaan, qoomiyadaha jabay ee baqanaya kalsooni ku beeraan, dalka iyo dadka is ku hayaan illayn iyaga ayay sidaa u gu badisaaye? Haa, laakiin iyagii baa wada fawdo iyo dhiillo joogto ah, iyagii la ga baqayay ee la ga go’ayay baana leh waannu go’aynnaa! Waa dhab in ay jirto Oromo badan oo la dhacsan aragtida Abiy Axmed ee wada noolaanshaha iyo dimuqraadiyaynta taas oo ay cid waliba ku faa’iidayso, waxaa se badan inta cadhaysan ee nacaybku waalay ama weli Amxaarada ka baqaysa.

Jowhar Maxamed kaalin halyeynimo ah buu ka soo qaatay kacdoonka iyo guusha, laakiin waxaa muuqata in kaalintiisii halkaa ku dhammaatay oo aanu la jaanqaadi karin isbeddel nabdoon. Ninkaa waxaa ka muuqata macangagnimo, aarsi iyo qoomiyadnimo cudur ah, mana laha dulqaad uu ku aqbalo wada noolaansho, ama xitaa hanka ah in ay Oromadu si dimuqraaddi ah Itoobbiya oo dhan u ga taliso, iyada oo marka la yareeyo tiradooda la gu sheego 34% tirada guud ee dadweynaha.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd-yuusuf

Hadalsame Media