Aqoonyahan Yuhuud ah oo sheegay sababta ay Masar uga aamusan tahay boobka cusub ee lagu qaadanayo Daanta Galbeed

0

(Tel Aviv) 09 Luulyo 2020 – Laba todobaad kahor, Wasiir Dibadeedka Urdun, Ayman al-Safadi ayaa isagoo dayuurad kuwa qutaamiga u kaca ah saaran wuxuu booqasho ugu tegey MW Maamulka Falastiin ee Mahmoud Abbas oo ku qaabiley madaxtooyadiisa Ramallah, sida uu qorayo Times of Israel.

Yeelkeede, dhiggiisa Masar, Sameh Shoukry, ayaa isna la marti qaaday, ujeedkuna wuxuu ahaa in sawirka lagu arko labada deris Carbeed ee Falastiin oo garab taagan Cabbaas oo wajahaya Israel oo si cad u sheegaysa inay qaadan doonto xitaa madaxtooyada uu fadhiyo ee Daanta Galbeed.

Masar iyo Urdun oo dagaallo badan la galay Israel, waxay markii dambe la galeen heshiisyo rasmi ah, balse waxay labaduba ballan qaadeen inay sidi doonaan qadiyadda Falastiin, balse markii ay Israel la bareertay inay bar goosato Daanta Galbeed, waxaa sawirka ka maqan Masar oo ilaa iminka ka aamusan arrintan.