”Yaan lagu habsaamin wada hadallada DF & Somaliland e, bal horta SHANTAN Madaxwayne halla heshiisiiyo!”

0

(Hadalsame) 08 Luulyo 2020 – Meel fogba haka eegin aayo la’aanta iyo jiho la’aanta Siyaasadeed ee Dalkii mar la isku odhan jiray SOOMAALIYA. Ciidamadan idiin muuqda ma aha qaar nabad illaalineed, mana aha Ciidan sugaya amniga xuduudaha kala duwan ee Dalku la leeyahay Dawladaha jaarka.

Ciidamadani waxay sugayaan amniga labo Madaxweyne Maamul Goboleed oo isla Dalka uun ah. Yaa Madaxweynayaashan laga illaalinayaa lagana waardiyaynayaa ayaad u malaynaysaa?

Waxa laga illaalinayaa Ciidankii Dawladda Federaalku maamulaysay ee magaciisu ahaa Haramocad. Waa hal dal oo haddana Ciidamadiisu u kala fadhiyaan hab ama nidaam qabiil.

Farmaajo oo ah Madaxweynaha Dalka Madaxda Maamuladan PUNTLAND iyo JUBALAND umaba arkaan Madaxweyne maamula kana taliya Dalkan ay Maamulada madaxdooda yihiin.

Haddaba Ay iscunaysaa Waraabo iskama celisee, waxaan talo ahaan usoo jeedin lahaa inta Wadahadaladdan SOMALILAND iyo SOOMAALIYA la iska dhaafo hala heshiisiiyo hala mideeyo shantan Madaxweyne ee ka jira Koonfurta Dalkii la odhan jiray Soomaaliya.

Wadahadalo madhalays ah oo aan waxba kasoo baxayn oo dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya yaan lagu daaline Koonfurta horta haddii la karo hala soo hagaajiyo.

Waxaa Qoray: Maxamed Ciise Dhancadde

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media