Turkish Airlines oo ka digtey duullimaad been abuur ah oo la sheegay inuu ”tegayo” Muqdisho (Wacaal dheeraad ah)

0

(Istanbul) 08 Luulyo 2020 – Waxaa war kasoo baxay hay’adda Turkish Airlines lagu beeniyey jiritaanka duullimaad la sheegay inay shirkaddaasi Muqdisho ku tegeyso 10-ka Luulyo, kaasoo ka baxaya Istanbul, sida warka lagu sheegayey.

”Turkish Airlines waxay kaliya duullimaad kiro ah ku tegi doontaa magaalada Muqdisho marka la gaaro 12-ka Luulyo, waana dayuurad ah nooca Airbus A330. Wixii wacaal ah oo dheeraad ah kala xiriir xafiisyada aanu ku leennahay Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa halkan ka cad in Turkish Airlines aysan sidoo kale si toos ah weli u bilaabin duullimaadyadii ay ku tegi jirtey Muqdisho, balse ay kaliya halkaa u direeyso duullimaad mar soo bood ah oo kiro ah.

Duullimaadka 10-ka Luulyo ayaa la sheegay inay wadaan dad doonaya inay umadda furtaan, sidaa darteed, waxa dadka loo sheegayaa inay ka feejignaadaan.

Hadalsame Media