QM: Dilkii khaarajinta ahaa ee uu Maraykanku u gaystey Qasem Soleimani wuxuu ahaa sharci darro (Hindise ay soo jeediyeen)

0

(New York) 08 Luulyo 2020 – Ninka QM ugu qaybsan ka war bixinta dilalka sharci darrada ah ee la gaysto, Agnès Calamar, ayaa sheegay in khaarajintii Abaanduulkii Ciidamada Iiraan, Qasem Soleimani ay tahay sharci darro, mar uu la hadlay Arab48 maanta.

Horraantii sanadkan, weerar daroon oo abaabulan ayaa lala beegsaday kolonyo galbineysey Soleimani, xilli uu ka baxayey Gegada Caalamiga ah ee Baqdaad, waxaana halkaa ku baxay isaga iyo 9 kale.

“Tillaabada uu Maraykanku qaaday waxay ahayd mid aan qaanuunka waafaqsanayn,” ayay warbixintani dhigaysaa.

Weerarkan ayaa ku tuntan Dastuurka QM, sida uu qoray Callamard, isagoo ku baaqay in lala xisaabtamo ciddii ka dambeeysey, isla markaana sharci laga soo saaro weerarrada daroonnada adeegsiga weerrarada noocan ah iyo guud ahaanba hubka.

“Dunidu kala guur bay joogtaa, marka ay timaaddo adeegsiga daroonka … Golaha Amaanku waa maqan yahay; beesha caalamku, rabitaan iyo la’aantii, inta badan waa iska aamusan tahay,” ayuu yiri Callamard, oo xog siiye u ah QM, oo la hadlay Reuters.

Hadalsame Media