”Naga aamus!” – Ciyaar labadooda u gaar ah oo xalay dhex martay Ibrahimovic & Ronaldo (Daawo waxa dhacay)

0

(Milano) 08 Luulyo 2020 – Cristiano Ronaldo ayaa xalay ceeb lasii jeestey kaddib markii uu Zlatan Ibrahimovic oo ay xafiiltamaan ka celin waayey inuu rigoore dhaliyo, taasoo keentay inuu laacibka AC Milan kusii camirto jookarka reer Portugal.

Juventus ayaa mar u muuqatey inay 3-da dhibcood meel dhigatay kaddib markii iyaga oo ka faa’iidaysanaya khalad uu sameeyey kabtan Milan uu Ronaldo 2-0 ciyaarta ka dhigay daqiiqaddii 53-aad kulan ka tirsan Serie A.

Yeelkeede, Milan ayaa rigoore heshay 10 daqiiqadood kaddib, waxaana markii uu Ibrahimovic u dhaqaaqay dhanka kubadda la maqlayey Ronaldo oo si ku celcelis ah ugu sheegaya goolwale Wojciech Szczesny “waa taqaan” si uu iskugu dayo inuu khalkhaliyo Ibra.

Yeelkeede, laacibka reer Sweden ayaa ku qoslay Ronie oo foorjo lasii jeestey isagoo u tilmaamay astaanta “aamusta”, halkaana ugama harine Milan waxay sii dhalisay 3 gool oo kale, taasoo ciyaartii ku dhamaysay 4-2.

Ibra oo horay u sheegay in Ronaldo uusan Juve waxba kusoo kordhin maadaama ay samayn jirtey inta hadda samayso, ayaa ciyaarta kaddib weriyeyaasha la kaftamay, isagoo sheegay inuu yahay ”Madaxwayne, macallin iyo laacib,” balse tan dambe uun lacag lagu siiyo iyo in haddii uu bilowgii iman lahaa ay Milan u tartami lahayd horyaalka.



Hadalsame Media