Ma Ciidanka Haramcad ayaa ka baxaya Dhuusamareeb? Maamulka Galmudug oo ka hadlay

0

(Dhuusamareeb) 08 Luulyo 2020 – Maamul-goboleedka Galmudug, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in ciidamada Haramcad laga saarayo Galmudug.

Wasiirka warfaafinta maamulkaasi ayaa tilmaamay in ay qayb ballaaran ka yihiin sugida Amniga, isagoo sheegay in aysan jirin sabab looga saaro ciidamadan oo ah kuwii dalku lahaa.

Ilaa xalay ayay soo baxeen warar ay dad ku faafinayaan baraha bulshada kuwaasoo sheegaya in ciidamadan laga daad guraynayo magaalada.

Wararka qaar ayaaba intaa sii dhaafay oo sheegay in 2 duulimaad loo darbay si ay ugu noqdaan Muqdisho, balse warkaasi iminka waa beenoobey, iyadoo ay dad badani arrintan aad uga soo hor jeesteen, sida aannu xogta ku heleeyno.

Waxaa sidoo kale magaalada Dhuusamareeb jooga ciidamo kale oo ka tirsan kuwa AMISOM, sida Itoobiya, Jabuuti iwm.

Hadalsame Media