“Marna guulaysan maayaan” – Wasaarad Dibadeedka Shiinaha oo markii 1-aad si kulul u cambaaraysay xiriirka Somaliland & Taiwan

0

(Beijing) 06 Luulyo 2020 – Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha ayaa markii ugu horreeysey ka hadashay qadiyadda xiriirka cusub ee ay caddaysteen Taiwan iyo Somaliland oo ah gobollo goosad doon ah.

Warkan ayaa daba socda kulan Muqdisho ku dhex maray MW Somalia, Md Farmaajo iyo Danjiraha Shiinaha ee Muqdisho.

“Dowladda Somalia waxay dib u xaqiijisay sida ay uga go’an tahay mabda’a hal Shiine, waxayna cambaareeysey tillaabada ay Taiwan ku wiiqayso madax bannaanida geyi ee Somalia,” ayaa loo dhigay qoraal kasoo baxay Wasaarad Dibadeedka Shiinaha.

“Waannu qiimaynaynaa taas. Howlaha goosi ee Xisbiga Dimoqraadiga ah ee is Beddel Doonka ihi marna guulaysan ma doonaan.” Ayaa la raaciyey warkan oo uu saxaafadda la wadaagey afhayeen WAD Shiinaha.

Hadalsame Media

Facebook Comments