DEG DEG: Maamullada oo War Saxaafadeed soo saaray (Mowqifka ay ka qaateen inay la kulmaan DF)

0

(Hadalsame) 06 Luulyo 2020 – Waxaa haatan soo baxay war rasmi ah oo ay si wada jir ah ugu saxiixan yihiin astaamaha Maamul-goboleedyadu, kaasoo daba socda kulan la sheegay inay ku yeelanayaan Dhuusamareeb.

Warkan ay soo saareen oo ay u wada dhan yihiin maamulladu waxaa uu ujeedkiisu yahay in kulan deg deg ah lagu yeesho Dhuusamareeb, kaasoo lagaga hadlayo wax ay ku sheegeen ”arimaha masiiriga ah”, kaasoo dhacaya 9-ka bishan, si ka duwan warkii hore ee ahaa 8-da, inkastoo ay arrin masiiri ah go’aan ka gaari karaan dadwaynaha oo qura.

yeelkeede, qodobka 2-aad ee War Saxafaadeedka ayaa waxaa ku dhigan in ujeedka kulanku uu yahay in si deg deg ah loo qabto kulan dhex mara DF Somalia iyo Maamul-goboleedyada, waloow aan la sharrixin sababta loo baajiyey midkii shalaytoole.

Hadalsame Media