DAAWO: Shiinaha oo maraakiib dagaal soo dhoobay xeebaha Somalia (Dhoollatus uu sameeyey!)

0

(Gacanka Cadmeed) 06 Luulyo 2020 – Warbaahinta Shiinaha ayaa faafisay muuqaal muujinaya layli millateri oo ay Shiinuhu ka sameeyeen Gacanka Cadmeed, gaar ahaan meel u dhaxaysa Jabuuti iyo Yaman, una dhow xeebaha woqooyi ee Somalia.

Ilaa 3 markab oo ay leeyihiin Ciidamada Badda Shiinaha ayaa dhoollatuskan ciidan ka qayb galay, si ay u muujiyaan cududdooda ciidan ee dhanka badda.

Shiinaha ayaa saldhig badeed uu dibedda ku yeesho midkii ugu horreeyey ku leh dalka Jabuuti, isagoo dano badan ka leh gobolka istraatijiga ah ee Geeska Afrika oo ay quwado waawayni ku hardamayaan.

Dhoollatuskan ayaa imanaya jeer uu Shiinuhu markii 2-aad muddo todobaad ah sheegay inuusan ku faraxsanayn in lasoo farageliyo arrimihiisa gudaha, kaddib markii ay Somaliland sheegtay inay xiriir la samaysatay Taiwan, oo ay Shiinuhu u arkaan gobol fallaago ah.

Hadalsame Media