JUG QARSOON: Dayuurado ”aan la aqoon” oo xalay duqeeyey saldhig-cireed ay qabsadeen Ciidamada GNA

0

(Tripoli) 05 Luulyo 2020 – Waxaa xalay duqaymo aan dayuuradaha fuliyey weli la aqoonin loo gaystey saldhig-cireed ay dhowaan la wareegeen Ciidamada GNA ee dalka Libya.

Weerarkan ay gaysteen dayuuradahan “aan la aqoon,” ayay sida ay Reuters u sheegeen ilo ku dhow ciidamada Khalifa Haftar ee LNA, waxaa magaalada Zintan laga maqlayey qaraxyo waawayn oo ka dhacaya saldhigga al-Watiya, kaasoo ay Ciidamada GNA qabsadeen kaddib 14-bilood oo ay LNA doonayeen inay qabsadaan galbeedka Libya.

Weli lama yaqaan cidda duqaysay, yeelkeede, bishii hore, Maraykanka ayaa sawirro uu cirka ka qaaday kusoo bandhigay dayuurado gaaraya ugu yaraan ilaa 14 MiG-29 iyo Su-24 oo fadhiya saldhig uu maamulo Haftar iyagoo soo maray dhanka Syria.

Ciidanka GNA ayaa haatan isu diyaarinaya inay qabsadaan magaalooyinka Misrata iyo Sirte, iyadoo ay Masar sheegtay inay ciidan usoo dirayso Libya haddii ay GNA dhanka bari u dhaafaan Sirte oo ay ku sheegeen ”khadka cas”, balse Turkiga iyo Qadar ayaa taageera ciidamada GNA.

Hadalsame Media