Sharaftaada i sii anna aan ku siiyo SAACAD aad ku ogaato goorta aan ku kufsanayo (Qiso xambaarsan xikmad ka badan tan aad qiyaasayso)

0

(Hadalsame) 04 Luulyo 2020 – Madaxweynaha Ruushka Falaadmiir Buutiin baa la wayddiiyay waxa uu ka qabo eedda reer Galbeed ee ah in uu yahay keli taliye jacaylka hubka ku waalan. Jawaabtiisu wax ay noqotay sheeko uu ka soo qaatay hiddaha Ruushka, wax uuna yidhi:

“Waxaa jiray qoys leh beer ballaadhan oo ku dhaqda fardo, lo’ iyo adhi, ayna dalagyo badani uga baxaan. Toddobaad walba aabbaha iyo wiilashiisa waaweyn baa waxa u soo go’a suuqa geyn jiray oo lacag ku soo heli jiray. Beerta, guriga iyo haweenkana wax ay kaga sii tegi jireen wiil barbaar ah oo ilaaliya, wax uuna ahaa wiil u tababaran adeegsiga bunduqa.

Haddaba maalin maalmaha ka mid isaga oo beertii dhex wareegaya oo soohdinteeda ilaalinaya waxaa u yimid koox niman ah oo raba in ay la hadlaan, intii aanay u soo dhowaan ayuu se qorigii ku joojiyay. Dabadeed wax ay bilaabeen in ay si debecsan iyo af malab ah kula hadlaan iyaga oo leh dad nabadeed baannu nahay oo xumo kuulama soconno.

Wax ay se ahaayeen budhcad caadaysatay boobka, tuugnimada iyo bililiqada. Wax ay tuseen saacad aad u qurux badan oo qaali ah iyaga oo u ammaanaya si ay u jeclaysiiyaan. Barbaarkii saacaddii buu ka helay waxaa uuna muujiyay in uu doonayo in ay soo gasho. Kolkii budhcaddii aragtay in uu jeclaaday ee uu qiimaheeda waydiiyay wax ay u sheegeen in ay doonayaan in uu qoriga kaga doorsado. Yarkii wuu yara fekeray wax uuna ku sigtay in uu yeelo, wuu se is qabtay isaga oo leh maalin kale waqti ii siiya. Sidaas bay budhcaddii is kaga tageen iyaga oo xeeladdii ku guuldarraystay.

Fiidkii kolkii aabbihii iyo walaalladii soo noqdeen ayuu qisadii u ga sheekeeyay, waxaa uuna aabbihii u sheegay quruxdii iyo qiimigii sare ee saacaddu lahayd. Dabadeed aabbihii baa ku yidhi, waa si wanaagsane, sii hubkaaga oo saacadda ka qaado, dabadeed kolka ay ku soo weeraraan ee xoolaha kaa dhacaan, dalagga kaa boobaan, hooyadaa iyo walaalahaana kufsadaan, markaa saacaddaada quruxda badan fiiri oo adiga oo is qaadqaadaya nimanka wax aad ku tidhaahdaa, ”haa, wax ay sheegaysaa intaa iyo intaa.”

Wiilkii dulucda wuu gartay qorigiisii buuna aad u gu faro adaygay, wax uuna gartay doqonnimada iyo hawo raacnimadu in ay u keenayso hoog iyo dhimasho la hubo oo ay cadawgiisu badaan.”

Imika haddaba, ayuu yidhi Buutiin, reer Galbeedku wax ay adeegsadaan dimuqraadiyad, xuquuqda dadka iyo xorriyadda, tabtii saacaddii quruxda badnayd, iyaga oo doonaya in ay u xidhaan khaa’imiinta, si ay dabadeed u burburiyaan waxa dadyowgu haystaan ee ah waddaniyad, midnimo iyo in aanay dalalkooda iibin, mar kalena wax magaradka ayay ku hodaan halhaysyo iyo ficillo aragtiyeed oo ay ku doqonsadaan cidda rumaysata.

Dalalkiinna ha ku gadannina saacad aad ka eegtaan goorta la idin kufsanayo ee dhulkiinna la boobayo. Hubkiinnu waa wacyigiinna.

Waxaa Tarjumey: Ibraahim Hawd-yuusuf

Hadalsame Media