Somaliland oo Kenya ula tagtay codsi aan socon doonin labadan SABABOOD dartood + Sawirro

0

(Hargaysa) 03 Luulyo 2020 – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi, ayaa madaxtooyada maamulkaasi ku qaabiley wefdi xildhibaanno iyo siyaasiyiin ah oo ka socda dalka Kenya oo halkaa ugu tegey.

”Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu habeenimadii xalay qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti heersare ah oo ka socday dalka aynu xidhiidhka soo jireenka ah ee walaaltinimo inaga dhexeeyo ee Keyna, weftigaas oo ka koobnaa xildhibaano, siyaasiyiin maalgashadayaal iyo xubno kale oo muhiim ah.” ayuu u dhignaa war kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.

Yeelkeede, warar madasha ku dhow ayaa Hadalsame Media u sheegay inuu Muuse ayaay Kenya ka codsaday inay ku dadaasho sidii ay qeyb uga noqon lahayd wada-hadallada DF Somalia & Maamulka Somaliland.

Arrintan ayaa u muuqata mid aan socon doonin laba sababood dartood; midda hore waa in Kenya aysan ahayn dal hadda loo arko mid dan Soomaaliyeed ka shaqaynaya, iyadoo Somaliland u adeegsanaysa xuuxis ay cadaadis ku saarayso DF, balse aan wax kale u haynin ama uba qaban karin.

Midda kale, Somaliland waxay si wayn u diideen inuu Turkiga, oo ah dal muujiyey inuu danaynayo qarannimo Soomaaliyeed iyo Soomaali asaaggeed la hardanta, inuu garwadeen ka noqdo wada hadalladaasi, sidaa darteed, DF oo ay Kenya is hayaan marna marna ogolaan mayso inay soo fariisato meel looga hadlayo aayo Soomaaliyeed oo aysan niyad wanaag u haynin, maadaama ay sheeganayso dhul cusub oo hor leh.

Hadalsame Media