”Puntland ma aha gobol kusoo biiray Somalia!” – Waxgaradka Puntland oo lahjaddii ugu adkayd uga hor jeestey inay Puntland go’do & farriin (War Saxaafadeed kulul) ay u direen Deni

0

(Garoowe) 03 Luulyo 2020 – Qaar ka mid ah horseedka siyaasadeed ee kasoo jeeda Maamul-goboleedka Puntland ayaa si wayn uga hor yimid in xitaa lagaba hadlo wax ku saabsan ”Puntland ka go’aysa Somalia inteeda kale”, iyagoo cambaareeyey sida loo fasiray qodobka 4-aad oo ay markasta sheegaan madaxda Puntland inuu siinayo maqaam ay sidii dowlad gaar ah ugu dhaqmi karaan.

Senatorro katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo ay wehliyaan Wasiirro hore oo ka tirsanaa Xukuumaddihii iskaga dambeeyey ee Puntland, Jeneraallo ciidan oo ka mid ahaa raggii wax ka asaasayay Puntland, aqoonyahanno, indheer garad kale & ganacsato, ayaa soo saaray bayaan rasmi ah oo ku wajahan guud ahaan xaaladda Puntland iyo waqtiga kala guurka ah.

War Saxaafadeed ay soo saareen oo ilaa 4 bog ah ayaa lagu cadeeyey in aysan marnaba ka go’aynin Soomaaliya, waxaana diiradda lagu saaray arrimaha siyaasadda ee hadda taagan, iyagoo soo jeediyey in caqabadaha waawayn ee hadda taagan ay muhim tahay in laga gudbo.

Bayaankan oo la magac baxay ”Somalia horumarkeedu waa Puntland barwaaqadeeda, Puntland horumarkeeduna waa Somalia baraareheeda ayaa si cad loogu canaantay MW Deni oo loo sheegay in aan saaxada maamulkaasi lagu soo qaadi karin dood ku saabsan “Wax madax banaani ku saleysan.”

Waxay maamulka Puntland ugu baaqeen inuu ka qayb galo doorashada qof iyo codka ah ee lasoo bandhigay iyagoo ku sheegay mid meesha ka saaraysa ”inuu qabiil is doorto” iyo shirka wada tashiga ah ee 5-8 bishan, isla markaana ay Puntland horseed ka noqoto geeddi socodka dowlad dhisidda.

Waxay MW Farmaajo iyo DF ugu baaqeen inay door odaynimo qaataan marka ay xaaladdu cakiranto si dadka la iskugu soo dhoweeyo, iyagoo beesha caalamka ugu baaqay inay ka fogaadaan faragelinta arrimaha gudaha dalka.

Hoos ka akhriso…

Hadalsame Media