Maxaa ka cusub sheekada ninka sheeganaya ”macallinka” ee leh waxaan kufsaday ilmo yar (Aarag 5-tan arrimood)

0
(Hadalsame) 03 Luulyo 2020 – Barihii bulshada umad haad haad badan ayaa hoggaanka u qabatay, kaddibna belo oo dhan baa ka shaqaysatay, waayo sidaan hadda la soconno dalal uu Maraykankii isla waynaa ka mid yahay ayaaba doorashooyinkooda loogu dhacaa oo lagu saameeyaa iyadoo kubad lagu ciyaarayo RA’YUL CAAMKA dadwaynaha iyo dareenkooda.
 
Hadda, waxaan arkay nin leh gabar 8 jir ah ayaan faraxumeeyey, waxaana ahay ”Macallin Dugsi Qur’aan”, waa arrin runtii aan kaliya jirranayne qofkii daawadaa uu xitaa ku jiranayo balse waxaa jira dhowr arrimood:
 
Horta marka laga soo tago inaysan fiicnayn in wax kasta bulshada loosoo bandhigo si loo ilaaliyo damiirka iyo inta fayoow oo ka badan inta bugta, waxaa jira arrimo ay tahay inaan is waydiinno marka aan muuqaal noocan oo kale ah daawanno:
 

1 – Horta meesha wax dareen ah oo ka muuqdaa ma jiraan min midka wax waraysanaya oo la is waydiinayo sababta uu isu qariyey ilaa midka leh wax baan sameeyey oo u sheekaynaya sidii nin sheeko xariiro caadi ah sheegaya (waloow dadka qaba jirrooyinka qaar aysan wax dareen ah lahayn, ka warran kan waraysanaya?), halkaa wax baa ka si ah. Ma waxaa halkaa ku jiri kara wax aynaan ogayn.

2 – Aaway reerkii gabadha la kufsaday, waayo marka ay waxan oo kale dhacaan waxaa hadla reerka gabadha.

3 – Ninka la waraysanayo wuxuu fadhiyaa meel guri ah oo ay carruur yar yar oo aan dareen ka muuqani ka hadlayaan, sidee marka qof dembi ay qaradiisu intaa la eg yahay ku kacay oo aan goob booliis la gaynin uu gurigiisa ama isla dugsii ugu bixin karaa waraysi noocan ah. Wuxuu kaloo ka hadlayaa ”QADDAR, QUR’AAN LA GEFEY, SALAAD IWM”, Sidee? Halkee waxaasi iska galaan? Ma Dugsi Qur’aanka ayaa sawir noocaas ah laga bixinayaa? Illeen inaysan waxaasi is qaadanayn waa u jeednaaye.

4 – Waxaa ku jirta su’aal ah mallugu khasbay iyo isaga oo leh ”xalay waa iska seexday inta casheeyey oo saaka ayaan soo kacay”, marka aan eegno caqliyadda Soomaalida, macquul ma noqon kartaa in qoys, ehel, asxaab ama xitaa cid garanaysaa ay qof dhibkaa gaystey qaboowgaa u waraysan lahayd.

5 – Qodobkan ma aha mid ku xiran sheekadan waase u kuurgal guud (general observation), waxaa sanadihii ugu dambeeyey aad u fara batay kiisaska carruur ayaa la kufsaday, waloow ay qaar dheceen, kuwa badan afka unbaa laga sheegaa kaddibna wax xaqiijin ah laguma sameeyo, balse waxaa markiiba lagu qoraa warbaahinta, haddaba, ma dhici kartaa inuu jiro mashruuc laga leeyahay dano gurracan oo aynaan ogayn.

Danahaasi ha ahaadeen kuwo ku eg howlo NGO iyo hunguri raadis han yar ama ha ahaado mid ballaaran balse doqoni ma garato ah oo lagu doonayo in lagu dooriyo anshaxa umaddan, oo inta badan ah mid muxaafid ah oo aan waxaas oo kale ogolayn umad ahaan (akhri buuggii Yuri Besmenov ee sida umad loo dumiyo), LANA NACSIIYO DIINTA iyo cid kasta oo shacaa’irteeda xambaarsan, taasoo sidoo kale ay gacan wayn ka gaystaan qolyaha sheegta inay diin iyo jihaad wadaan ee Muslimiinta laynaya.

U fiirso waxaa baraha bulshada xumaan ku saabsan jinsi ku faafiya dad aan iyagu anshax ahaan toosnayn oo sheeganaya inay yihiin gayfanayaal arrintaa u istaagey, balse iyagu xumaan iyo af xumo umaddii baraya, shakina kala gelinaya haweenayda la qabo iyo ninka qaba oo ay uga cabsanayso gabadhiisa. Waxaasi waa sida umad loo DUMIYO.

Akhri taariikhdii Babilonia iyo sida ay xadaaraddoodii anshax xumada baahdey u galaafatay, balse xusuusnow inta aan qofku falka samayn waa in ra’yul caamka lagu soo celceliyaa waxyaabo noocaas ah oo dhacay, si ay qofka aan tadabburka lahayn ay caadi ula noqoto.

FG: Ma aha inaan leeyahay arrintani ma dhici karto, balse waxaa ila wanaagsan inaan eegno sadarrada dhexdooda oo aan turubka iska baandhayno, si aynaan u noqon umad habacsan oo u nugul inay wax kasta iska aaminto, sidee iyo sababna aan is waydiin karin.

Haddii ay lacalla dhacday waan jeclaan lahayn in loola xaalo sida ugu habboon, iyada oo wax cad laga qabanayo ciddii lagu helo, yaana bulshada lagu dhex faafinin arrimahan si aanu u wasakhoobin damiirka inta weli nool ruuxi ahaan.

AFEEF: Ma rabno inaan faafinno muuqaalka ninkaasi, balse waxaan idiin soo koobnay nuxurka.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji.