”Itoobiyaba soowta joogta!” – Taiwan oo Itoobiya ugu marmarsootay wakiilka ay Hargaysa u dirsatay (Ma taqaan dalka qura ee Afrika xiriir la leh Taiwan?)

0

(Taipei) 03 Luulyo 2020 – Taiwan iyo Somaliland ayaa samaysanaya diblomaasiyad ay dadka qaar ku micneeyeen ”laba qaawan oo is qaadaya”, iyadoo uu Wasiir Dibadeedka Taiwan ee Joseph Wu oo Arbacadii sheegay inay xafiis ka furanayaan Hargaysa, jeer uu sii xumaanayo xiisadda kala dhexeeysa Beijing

Taiwan ayaa dunida oo idil wakiillo diblomaasiyadeed ku leh 15 dal oo qura, kuwaasoo u badan kuwo yar yar iyo jasiirado maadaama ay dalalka kale ka caga jiidayaan inay foolka ku diiraan China, oo gasiiraddan u arka mid dhulkiisa ka mid ah.

Dhanka Afrika Somaliland waa meeshii 2-aad ee ay Taiwan wakiil ku yeelato, waayo dalka yar ee boqortooyada beeleed ah ee eSwatini (ex Swaziland), ayaa ah midka qura ee xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa ilaa maanta la leh  Taiwan.

Taiwan ayaa heshiiska diblomaasiyadeed la gashay Somaliland bishii Febraayo, balse waxaa qarineysey Somaliland, taasoo aysan jeclaysanin Taiwan.

Taiwan ayaa sheegtay in ay Somaliland joogaan wakiillo ka socda ilaa 8 dal oo ay Itoobiya ku jirto, balse wakiilladaasi waa qunsuliyado, sidoo kale Shiinaha ayaan wax qunsuliyad ah xitaa ku lahayn Hargaysa, isagoo jooga Muqdisho iyo Jabuuti oo uu ku leeyahay saldhig badeed dalkiisa ka baxsan midkii abid ugu horreeyey.

Hadalsame Media