Sucuudiga oo markii ugu horreeysey taariikhda soo bandhigay gawaari gaashaaman oo uu sameeyey + Sawirro

0

(Riyaad) 02 Juun 2020 – Dalka Sucuudiga ayaa qaaday tillaabo uu ku doonayo inuu uga dhabeeyo han-qaran muddo dheer ku jirey oo ku saabsan inuu samaysto wax soo saar maxalli ah oo dhanka agabka ciidamada ah.

Iskaashatada Wershadaha Millateriga ee MIC ayaa iminka soo saartay gaari gaashaaman oo la yiraahdo Al Dahna, kaasoo lagu dhisay dalka Sucuudiga.

“Al Dahna waxaa la mariyey dhamaanba tijaabooyinka loo baahan yahay marka la eegoo hab-raaca caalamka,” ayuu yiri Madaxa MIC, Mohammed Bin Hamad Al-Madi. “Waa gaari 4 lugoodle ah oo ku habboon xaalad kasta oo ciidan.” ayuu daba dhigay.

Taliyaha Ilaalada Xuduudaha, Jeneraal Awad Bin Eid Al-Balawi, ayaa sheegay in mashruucani uu door laxaad leh ka ciyaari doono sidii gaadiid maxalli ah oo tayo leh loogu qalabayn lahaa Ciidanka Ilaalada Xuduudaha.

Sucuudiga ayaa ah dalka hubka ugu badan ka iibsada caalamka, isagoo 12% ka ah suuqa caalamka oo dhan, wuxuu sidoo kale miisaaniyadda ugu badan ku bixiyaa ciidamada marka la isu qaybiyo miisaaniyadda iyo GDP-ga dalka, iyadoo uu Maraykanku yahay midka hubka ugu badan ka iibiya, xilli ay  sanadkii tegey 130% korortay baahida hub ee Sucuudigu.

Hadalsame Media