Somaliland oo maalintii 2-aad oo xiriir ah dhaleecayn kala kulmaysa cudud wayn oo caalami ah

0

(Muqdisho) 02 Luulyo 2020 – Maraykanka ayaa aad u cambaareeyey xadidaadda xorriyadda saxaafadda ee kusoo noqnoqday Maamulka Somaliland.

Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa qoraal rasmi ah oo ay soo saartay ku sheegtay inay si wayn u cambaaraynayso halista iyo handadaadda loo bandhigayo warbaahinta maxalliga ah ee Somaliland.

“Waxaannu hoggaanka Somaliland ugu baaqaynaa inay xurmeeyaan oo dhowraan xorriyadda hadalka.” Ayaa lagu yiri war lasoo dhigay Twitter-ka.

Waxaa Somaliland shalay furka ku xooray Shiinaha oo ka xumaaday xiriir ay la samaysay Taiwan oo weli sharciyan ah gobol ka tirsan Shiinaha.

Hadalsame Media