FALANQAYN: Xuddunta xiisadda Itoobiya; Xamaasadda Oromada, Xasaradda Tigreega & Xukun doonka Amxaarada (Xaalku ma noqon karaa Yoguslavia cusub?)

0

(Hadalsame) 02 Luulyo 2020 – Itoobiya Ma In Ay Dunto Ayey Qarka U Saaran Tahay? Qaraxyo, weerarro fool ka fool ah iyo kacdoon loo maaro la’yahay ayaa gilgilaya Itoobiya, dalka ugu quwadda badan Geeska iyo Barramaha Africa ahna dalka labaad ee Africa ugu dadka badan, Nigeria kaddib.

Dhacdooyinkaas waxa ay ka dhasheen dil toogasho ah oo Isniintii la soo dhaafay Addis Ababa loogu geystay fanaan ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada, Haacaaluu Hundeessaa.

Hundeessaa waxa uu ahaa fanaan ay si weyn u jeceshahay Oromada oo ah Qowmiyadda ugu tirada badan Itoobiya isaga oo qeyb libaax leh ka qaatay kacdoonkii saddexda sano socday ee xukunka looga tuuray maamulkii Tigreyga 2018.

Dhimashada boqol kor ayey u dhaaftay, magaalada Caasimadda ah jid walba waxaa la dhigay ciidaamo Militari a halka magaalooyinka deegaanka Oromia kacdoonka ka socda uu karaar dhaafay.

Jawar Mohammed oo ah saxafi leh warbaahin ay malaayiin Oromo ah ku xiran yihiin iyo siyaasi hoggaamiya xisbi ayaa xabsiga lala dhigay siyaasiyiin kale oo isla Oromo ah.

Waa Maxay Xudunta Xiisadahan?

Dilka Fanaan Haacaaluu Hundeessaa walow uu kiciyey kacdoonka iyo rabshadaha hadda socda hadana waxaa la aaminsan yahay in uu ganjada ka jaray Bundo in muddo ah huursaneyd oo mar uun qarxi lahayd.

Tan iyo markii uu Abiy Ahmed Ali hoggaanka Itoobiya kacdoon ay Aabbe iyo Hooyo u ahaayeen Jawar Mohammed iyo fanaanka la tooktay Hundeessaa ku yimi marna dalkaas siyaasaddiisu salka dhulka ma dhigin.

Abiy waxa uu fur furay siyaasaddii gudaha isaga oo ogolaaday dhaq dhaqaaqa iyo xorriyadda siyaasadda oo markii hore gacan bir ah lagu hayey, saxaafadda xorta, horumarinta dhaqaalaha gaarka loo leeyahay iyo nabad ku soo dabaalidda Geeska Africa isaga oo la heshiiyey Eriteeriya.

Hase yeeshee, Abiy marna ma kasban Qoomiyadda Oromada ah oo uu ka soo jeedo iyo Tigreyga oo laga tuuray Xukunkii dalka.

Tigreyga iyo Is Maamulkooda waxa ay ka bexeen xisbiga hadda talada haya ee uu hoggaamiyo Abiy, PP (Prosperity Party) waxa ayna noqdeen kuwo qaadaca wax walba oo ka soo baxa Dowladda dhexe.

Xaaladda Tigreyga iyo Abiy waxa ay cirka isku sii shareertay markii uu dhawaan Abiy Ahmed sameystay muddo kororsi hal sano ah iyaga oo ku dhawaaqay in ay qabsan doonaan doorasho iyaga gaar ah. Qaar ka mid ah siyaasiyiintooda ayaa ku goodiya in ay goosan doonaan.

Oromada Maxaa Ka khaldan?

Abiy iyo Oromada muddo yar kaddib markii uu talada qabtay ayey aad u kala fogaadeen.

Waxyaabaha uu salka ku hayo khilaafkaas ayaa lagu sheegaa in; Ahmed noqon waayey qowmi gebi ahaanba awoodda Oromada u gacan galiya, wuxuu ula muuqdaa Amxaar is mood dagaal kala dhexeeyo Xisbiyo Oromo ah oo doonaya gooni u goosad iyo loollan siyaasadeed ba’an oo u dhexeeya isaga iyo Jawar Mohamed oo ah mashiinka dhaqaajiya siyaasadda Qowmiyaddaas.

Natiijada Kacdoonka Hadda Socda

Kacdoonka Itoobiya hadda ka socda hadaan xal deg deg ah loo helin oo aan cagta dhulka loo dhigin siyaasadda jiho la’aanta ah ee Oromada, saddex natiijo ayaa kala dhalan doona.

Kacdoonkan qaraxyada iyo iska horimaadka tooska ah isu bedelay waxa uu soo dedejin karaa in Abiy Ahmed ama is casilo ama xukunka inqilaab ahaan looga tuuro.

Waxa uu sidoo kale dhabbaha u xaari karaa in Itoobiya kala takto oo uu kacdoonkan noqdo sida kii kala diray dal weynihii Yugoslavia horraantii shagaashamaadkii.

Ugu dambeyn waxa uu seeska u dhigi karaa in Abiy u xuubsiibto kalitalis ku xukuma Itoobiya sidii Meles iyo qarniyo lagu hoggaamin jiray.

Gunaanad, walow siyaasadda ay Itoobiya ku dhisan tahay waxba ka duwaneyn Dooni bad weyn dhex socoto oo ay dhinac walba dabayli ka ruxeyso hadana in dalkaas dadkiisu boqolka Milyan yahay uu burburo ma aha mid ay dan ugu jirto dalalka jaarka ah iyo caalamka.

Waxaa Qoray: Maxamed Kaafi

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qofka ku saxiixan

Hadalsame Media