DAAWO: Turkiga oo ku guulaystey tijaabada gantaal wax ka dili kara xagal-buuxda oo uu samaystay + Sawirro

0

(Ankara) 02 Luulyo 2020 – Turkiga ayaa tijaabiyey gantaal cireed guur guuraya oo la yiraahdo Sungur, kaasoo ay samaysay hay’adda Turkiga ah ee Roketsan, waxaana marka hore lagu darayaa qalabka ay adeegsadaan Xoogga Dalak Turkiga, sida uu sheegay Madaxa Wershadaha Ciidamada (SSB) Md Ismail Demir.

War uu Twitter soo dhigay, ayaa wuxuu Demir sheegay in Sungur oo tijaabadiisa shalay lagu guulaystey, uu bedeli doono hannaan la mid ah isaga oo ay Turkigu awal kasoo iibsan jireen dibedaha.

Wuxuu Demir intaa raaciyey in gantaalaha Sungur, oo qayb ka ah kacaaminta iyo casriyaynta agabka ciidamada Turkiga la siin doono ciidanada dhulka, cirka iyo badda, maadaama uu yahay mid la qaad qaadi karo.

Wuxuu awood u leeyahay in la rido iyada oo uu socdo gaadiidka sida, isagoo sida ugu saxan u shiishi kara bartilmaameedkiisa isla markaana wax ka arki kara xagal-buuxda oo ah 360 darajo habeen iyo maalinba, isagoo hal mar laba bartilmaameed oo kala jeeda duqayn kara.

Sungur wuxuu hubka dabaqaddiisa ah uga sitaa dhanka hab-dhaqaaqa, awoodda duqaynta bartilmaameedyada sare, madax titanium ah oo uu gantaalku qaadi karo iyo isaga oo bartilmaameedka ka arki kara fogaan dheer, sida uu Demir sharraxay.

Hadalsame Media