DAAWO: Fannaankii Huchaaluu oo lagu aasay meel ka baxsan Addis Ababa & DF oo la eedeeyey (Wacaal cusub)

0

(Ambo) 02 Luulyo 2020 – Amaanka magaalada Ambo oo lagu aasayo fannaankii Haachaaluu Hundeessaa, oo horraantii todobaadkan lagu khaarajiyey Addis Ababa ayaa waxaa ka dhashay dibexbayo ay ku dhinteen dad ka badan 80 qofood.

Saaka subaxdii hore ayay dadku bilaabeen inay xirmooyin ubaxyo ah dhigaan gegada ciyaaraha Ambo Stadium si ay ugu maamuusaan fannaanka oo 34-jir ahaa kana soo jeeda qoowmiyadda Oromada oo ah tan ugu ballaaran ilaa 80 qoowmiyadood oo dalkaa ku dhaqan.

Fannaankii hore ayaa lagu aasi doonaa kaniisad ku taalla magaaladiisa Ambo oo 100km (60 mayl) galbeed ka xigta caasimadda.

Dadka Oromada oo uu ka mid yahay Barasaabka Gobolka Oromada Shimelis Abdisa ayaa sheegay inay gacmo gudeed oo shisheeya gargaarsanayaa ay ka dambeeyaan geerida Haachaaluu oo uu sheegay in si wayn loo maleegey.

Dibedbaxyada ayay ilaa haatan ku dhinteen dad kor u dhaafaya 80 qofood, iyadoo DF oo sidoo kale saaka maxkamad soo taagtey Jawar Mohamed oo ah shakhsiyad warbaahineed iyo gayfane siyaasadeed isla markaana internet-ka jartay, lagu eedeeyey inay gacan bir ah u adeegsanayso dadka ka xumaaday dilka weriyaha.

Hadalsame Media