DHEGEYSO: Tirada dadka iska dhiibaya Sweden oo gaartey halkii ugu hooseeysey qarnigan 21-aad & sababta

0

(Stockholm) 01 Luulyo 2020 – Kiisaska magangelyo doonka ah ee loola tago Waaxda Socdaalka Sweden ee Migrationsverket ayaa si wayn u yaraaday intii lagu jirey xasaradda karoonaha caalamkii kadeedey, waxaana la diiwaan geliyey 11,000 oo kiis, waana kuwii ugu yaraa muddo 8 sanadood ah.

Tan iyo bilowgii qarnigan 21-aad, Waaxda Socdaalku ma qabanin tiro ka yar kuwa ay qabteen bishii Maajo oo ahaa 724 qof, waxayna yaraanta kiisaska cusubi ay shaqaalaha (MIG) u sahashey inay ka shaqeeyaan kiisaskii hore, sida uu qabo Mikael Ribbenvik.

Inta ugu badan kiisasku waa dad doonaya in loo dheereeyo rukhsadda deganaanshiyaha, marka se la eego dadka markoodii 1-aad dalbanaya magangelyo doonka waxaa la diiwaan geliyey 11,400 kiis oo furan bartamihii bishii Juun, yacni kiis furan waa mid aan weli go’aan laga gaarin, waana tiradii ugu yarayd tan iyo 2012-kii.

Hadalsame Media

Facebook Comments